DAAWO Goos-gooska Wacdarihii Uu 41 Jirka Ronaldinho Xalay Ka Dhigay

Ronaldinho ayaa dib ugu laabtay waqtigiisii hore isagoo qaab ciyaareed cajiib ah oo loo riyaaqay ku soo bandhigay kulankii u dhaxeeyay halyeeyada Barcelona iyo Real Madrid ee shalay oo Talaado ah ka dhacay magaalada Tel Aviv.

41 jirkaan ayaa ka mid ah labo halyeey oo reer Brazil oo Barcelona u xirnaa maalinta No.10 isaga iyo Rivaldo, waxayna wacdarro ka dhigeen kulankii ka dhacay garoonka Bloomfield Stadium ee loo magacdaray “El Clasico-dii Nabada”.

Xiddigo waa weyn sida Luis Figo, Roberto Carlos iyo Deco ayaa ka qeyb qaatay kulankaan laakiin Ronaldinho ayaa ahaa xiddiga garoonka iyadoo shan gool la iska dhaliyay.

Laacibka ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sannadkii 2005 wuxuu ahaa madadaaliyaha ciyaarta isagoo soo bandhigay farsamooyin badan oo cajiib ah oo loo riyaaqay.

Ronaldinho ayaa u muuqday mid ku raaxeysanaya kulankiisii ugu horeysay ee muddo ka badan sannad. Isagoo furay goolasha markii uu qeybtii hore dhaliyay rigoore una dabaaldegay sidii lagu yaqaanay.

Wuxuu soo bandhigay inuu weli leeyahay farsamadii lagu yaqaanay isagoo dhowr ciyaaryahan iska dhexmaray ka hor inta uusan birta garaacin, halka uu sidoo kale goolhayaha ku qiyaani gaaray kubad dheer markii uu arkay inuu ka soo baxay xariiqda goolka.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday 3-2 oo ay halyeeyada Real Madrid ku garaaceen dhigooda Barcelona.

Shaxaha Labada Kooxood:

Barcelona (2): Mariano Jesus Angoy; Miquel Soler; Frederic Dehu; Tortolero; Jon Andoni Goikoetxea; Oscar Arpon; Gaizka Mendieta; Javier Saviola; Deco; Rivaldo; Ronaldinho.

Waxaa sidoo kale dheelay: Ronald De Boer; Jofre Mateu; Guillermo Amor; Francesco Coco; Francisco Guzman; Juan Carlos; Samuel Okunowo.

Tababare: Albert Ferrer

Real Madrid (3): Jordi Codina; Roberto Carlos; Alberto Rivera; Luis Milla; Antonio Nunez; Alfonso Perez; Jose Emilio Amavisca; Ivan Campo; Luis Figo; Fernando Sanz; Ruben De la Red.

Waxaa sidoo kale dheelay: Pedro Munitis; Jesús Enrique Velasco.

Tababare: Manolo Castro

Goolasha

Barcelona: Ronaldinho, Jofre Matue

Real Madrid: Munitis, Alfonso Perez, Ruben de la Red.

Daawo Goos-gooska Ronaldinho ee kulankii xalay:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More