Daafaca Real Madrid oo lagu eedeeyay badbaadinta

Daaficii hore ee Real Madrid iyo Jarmalka Christoph Metzelder ayaa maxkamad la soo taagay kadib markii lagu eedeeyay inuu keydiyay isla markaana u qeybiyay sawiro qaawan oo caruur yar yar ah.

- Advertisement 1 -

40 jirkan ayaa markii ugu horaysay maxkamada laga qabtay bishii september ee sanadkii hore waxaana hada la maxkamadaynayaa 29 abril ee sanadkan.

Sida ay qoreen wargeysyada Jarmalka Bild iyo Der Spiegel, Metzelder ayaa aqbalay eedaha loo soo jeediyay ee ah inuu xaday 297 sawir oo caruur aan qaan gaarin ah kadib markii booliisku ay baareen gurigiisa ayna kala baxeen taleefankiisa iyo kombiyuutarkiisa.

Ciyaaryahankii hore, oo sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Borussia Dortmund iyo Schalke, ayaa lagu eedeeyay inuu qaar ka mid ah haweenka u diray WhatsApp-ka sawirro.

Sida ay qortay warbaahinta Jarmalka dacwada ka dhanka ah laacibkii hore ee Real Madrid ayaa socon doonta muddo labo todobaad ah.

Waxaa la filayaa in la xukumo 10-ka bisha May isla markaana uu helo xukun dheer oo xabsi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More