Daafaca 20-ka Kooxood Ee Premier League Oo La Qiimeeyay,
Horyaalka Premier League ayaa haysta qaar kamida weeraryahanada ugu wanaagsan guud ahaan dunida kubadda cagta waxaana kamid ah Mo Salah, Sergio Aguero, Pierre Emerick-Aubameyang iyo Harry Kane.
- Advertisement -
Marka laga wada hadlayo weeraryahanada ee laga doodayo inta ay ugu caansan yihiin Ronaldo iyo Messi, waxa si sahlan lagu ilaawaa shaqada daafacyada fududeeya in xiddigaha kooxdoodu ay weerar qaadaan.
Haatan iyadoo uu suuqa kala iibsigu xidhnaan doono ilaa bisha January, waa wakhtigii ku haboonaa ee la xusi lahaa afarta daafac ee ugu bilaaban doona kooxaha Premier League isla markaana qiimayn lagu sameeyo sida ay u kala fiican yihiin.
Haatan shabakadda GiveMeSport ayaa qiimayn buuxda ku samaysay safafka daafaca ee kooxaha horyaalka ugu heerka sarreeya England, qaabka ay u kala qiimaynta sarreeyaan iyo kooxaha kaalmaha hore xidhay.
Booska koowaad ayay kusoo baxday kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool oo marka laga yimaado bandhigoodii kulankii Aston Villa ee u dambeeyay haysta saf daafac oo gaashaaman waxaana booska labaad soo xidhatay Wolves oo qofkasta oo yaqaanaa ogyahay sida ay u adagtahay in shabaqooda la tago.
Layaabka qiimayntan ayaa ah in dambeeda Man United lagu qiimeeyay booska 10-aad, safka daafaca Red Devils ayaa u muuqda xilli ciyaareedkan mid sahlan iyadoo saddex kulan lagaga dhaliyay 11 gool oo Premier League ah.
Liiska Oo Dhammaystiran
20. Fulham
Goolhaye: Areola
Safka Daafaca: Aina, Hector, Ream, Bryan
19. West Bromwich Albion
Goolhaye: Johnstone
Safka Daafaca: Furlong, Bartley, Ajayi, O’Shea, Gibbs
18. Newcastle United
Goolhaye: Dubravka
Safka Daafaca: Manquillo, Lascelles, Schar, Fernandez, Lewis
17. Aston Villa
Goolhaye: Martinez
Safka Daafaca: Cash, Konsa, Mings, Targett
16. Southampton
Goolhaye: McCarthy
Safka Daafaca: Walker-Peters, Vestergaard, Bednarek, Bertrand
15. Crystal Palace
Goolhaye: Guaita
Safka Daafaca: Ward, Sakho, Cahill, Mitchell
14. West Ham United
Goolhaye: Fabianski
Safka Daafaca: Coufal, Diop, Ogbonna, Cresswell, Masuaku
13. Leeds United
Goolhaye: Meslier
Safka Daafaca: Ayling, Koch, Cooper, Dallas
12. Brighton & Hove Albion
Goolhaye: Ryan
Safka Daafaca: Lamptey, White, Webster, Dunk, March
11. Everton
Goolhaye: Pickford
Safka Daafaca: Coleman, Mina, Keane, Dign
10. Manchester United
Goolhaye: De Gea
Safka Daafaca: Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw
9. Burnley
Goolhaye: Pope
Safka Daafaca: Bardsley, Mee, Tarkowski, Taylor
8. Sheffield United
Goolhaye: Ramsdale
Safka Daafaca: Baldock, Basham, O’Connell, Egan, Stevens
7. Arsenal
Goolhaye: Leno
Safka Daafaca: Bellerin, Luiz, Gabriel, Tierney, Saka
6. Spurs
Goolhaye: Lloris
Safka Daafaca: Doherty, Dier, Alderweireld, Reguilon
5. Chelsea
Goolhaye: Mendy
Safka Daafaca: James, Azpilicueta, Zouma, Chilwell
4. Manchester City
Goolhaye: Ederson
Safka Daafaca: Walker, Dias, Laporte, Mendy
3. Leicester
Goolhaye: Schmeichel
Safka Daafaca: Pereira, Soyuncu, Evans, Castagne
2. Wolverhampton Wanderers
Goolhaye: Rui Patricio
Safka Daafaca: Semedo, Boly, Coady, Saiss, Jonny
1. Liverpool
Goolhaye: Alisson
Safka Daafaca: Alexander-Arnold, van Dijk, Gomez, Robertson