Daafac Baxsad Ka Ah Arsenal, Saddex Kooxood Oo Xiddig Barcelona Ah

Liverpool ayaa u dhaqaaqday 25 sano jirka kooxda Wolves iyo xulka Spain ee Adama Traore. (Football Insider)

Hector Bellerin ayaa doonaya inuu iskaga tago Arsenal oo ku biiro Inter Milan, daafaca ree Spain ayaa xagaagii 2020 lala xidhiidhinayay inta ugu badan PSG. (FourFourTwo)

Sergio Ramos ayaa diiday dalabaad uga yimid Arsenal iyo Manchester City kahor intii uusan heshiis xor ah ugu biirin PSG. (Goal)

Liverpool ayaa dalab 35 Milyan oo pound ah u diyaarinaysa 26 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saule Niguez. (AS – in Spanish)

Leicester, AC Milan iyo Inter Milan ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan inay Philippe Coutinho kala wareegaan Barcelona. (Sport – in Spanish)

Everton ayaa kaliya dhagaysan doonta dalabaadka heshiisyada rasmiga ah ee lagu doonayo weeraryahan Moise Kean oo xilli ciyaareedkii hore amaah kusoo qaatay Paris Saint-Germain. (Athletic – subscription required)

West Ham ayaa kooxaha Atletico Madrid iyo Lille tartan kagala kulmaysa saxeexa goolhayaha kooxda AS Roma ee Olsen oo 31 sano jir ah kaas oo Euro iyo xilli ciyaareedkii hore oo uu Everton amaah kula joogay isku soo muujiyay. (AS, via WestHamZone)

Paris St-Germain ayaa aaminsan inay kaliya 50 Milyan oo pound Man United kaga heli karaan Paul Pogba. (Star)

Tababarihii hore ee xulka Netherlands ee Louis van Gaal ayaa la filayaa inuu booskaas dib ula wareego kaddib markii Frank De Boer laga caydhiyay xulkaasi. (NOS)

Olivier Giroud ayaa ku dhaw inuu heshiis laba sano ah ugu biiro AC Milan isaga oo 1 Milyan euro kaga tagaya Chelsea. (Mail)

Tottenham ayaa doonaysa saxeexa daafaca ree France iyo kooxda Wolfsburg ee Maxence Lacroix kaas oo lala bar-bardhigo halyeeyga kubadda cagta England ee Rio Ferdinand. (The Boot Room)

Juventus daafaceeda midig ee Danilo ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in saaxiibkiisii hore ee Man City ahna xiddiga ay Brazil kasoo wada jeedaan ee Gabriel Jesus uu kula soo biiro Juve oo lala xidhiidhnayay. (Sports Illustrated)

Tottenham, Leeds iyo Leicester xiddiga bar-tilmaameedka u ah ee Mikkel Damsgaard ayay u badantahay inuu England ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe iyadoo wakiilkiisu kooxo English ah wadahadalo kula jiro, madaxweynaha Sampodria ayaa sheegay in xiddigiisa oo isku muujiyay Euro iyo xulka Denmark uu qiimihiisa suuqa kor u qaaday. (HITC)

Everton tababaraheeda cusub ee Rafa Benitez ayaa xiisaynaya inuu Barcelona kala soo wareego daafaca dhexe e Clement Lenglet. (Fichajes)

Tottenham ayaa hoggaaminaysa tartanka loogu jiro saxeexa daafaca kooxda Bologna ee Takehiro Tomiyasu. (Football Insider)

Liverpool tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa u sheegay madaxda kooxdaas saddex saxeex oo uu doonayo xagaagan waxaana kamid ah Kinsgley Coman, xiddiga Bayern Munich ayaa Reds 86 Milyan oo pound ku kici doona. (Mirror)

Dhinaca kale Liverpool ayaa doonaysa 22 sano jirka kooxda PSV iyo xulka Netherlands ee Donyell Malen. (Express)

Leeds ayaa isku dayaysa inay la saxeexato daafaca kooxda Lyon iyo xulka Ivory Coast ee Maxwel Cornet. (Olympique et Lyonnais)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More