Cristiano Ronaldo Oo Timihii Xiirtay Iyadoo Saaxiibtiis

Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa muuqaal cusub la soo baxay ka dib markii uu iska xiiray timihii inta uu ku jiro karantiilka.

- Advertisement -

35 jirkaan oo si joogta ah u bedela muuqaalkiisa ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal uu timaha xiirtay islamarkaana uu ku jiro qolka jimicsiga ee gurigiisa Turin.

Ronaldo ayaa seegay kulankii ay Juventus 2-0 kaga badisay Dynamo Kiev xalay ka dib markii uu ku dhacay Korona Fayras intii uu ku maqnaa xulka dalkiisa Portugal.

Wuxuu haatan tartan ugu jiraa inuu taam u noqdo kulanka ay la ciyaarayaan Barcelona ee ay iska horimaanayaan xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi isbuuca danbe iyadoo ciyaaryahanka ay u badan tahay inuu seegi doono kulanka Serie A ee Hellas Verona.

Inkastoo uu garoomada ka maqan yahay, Ronaldo ayaa jawi fiican ku jira ka dib markii ay saaxiibtiis Georgina Rodriguez ay ka duubtay muuqaal isagoo jirdhis sameynaya si uu u ilaaliyo taam ahaanshihiisa.

Waxay muuqaal ka duubtay isagoo isku kululeynaya baaskiil islamarkaana uu timihii soo xiirtay iyadoo Ronaldo uu muuqaalkiisa cusub la wadaagay 241 milyan taageerayaal uu ku leeyahay Instagram.

Muuqaalka wuxuu ciwaan uga dhigay: “Guusha nolosha laguma cabiro waxa aad kasbato, laakiin waxaa lagu cabiraa caqabadaha aad ka soo gudubtay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More