Cristiano Ronaldo Oo Afka Furtay Markii Ugu Horeysay Tan Iyo

Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay inuu aad u fiican yahay ka dib markii laga helay cudurka Korona Fayras.

- Advertisement -

Ronaldo ayaa Instagram Live kula hadlay taageerayaashiisa isagoo yiri:

“Wax calaamado ah igama muuqdaan. Waan fiicanahay, si fiican ayaana u hurdaa.

“Qoyskeyga waxay joogaan dabaq kale oo guriga ka tirsan, iskuma soo dhawaano.”

Ronaldo ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu sheegay wasiirka isboortiga Talyaaniga Vincenzo Spadafora kaasoo sheegay inuu aaminsan yahay in 35 jirkaan uu jabiyay sharciga xakameynta cudurka Korona Fayras.

“Mar walba guriga ayaan joogaa, haatan qoraxda ayaan ku raaxeysanayaa si ay maalinta ii dhaafto. Waxaan ixtiramayaa baratakoolka xakameynta cudurka, marnaba ma jabinin sida la sheegay. Waa been.

“Waan ka soo laabtay Portugal sababtoo ah aniga iyo kooxdeydaba waxaan hubinay inaan raacno sharciga. Waxaan Italy ugu soo laabtay diyaarad caafimaad, wax xiriir ah lama sameynin cidna, xitaa Turin”

Weeraryahanka Juventus ayaa laga helay cudurka Korona Fayras intii uu la maqnaa xulka dalkiisa ee Portugal.

Warbixin ay soo saareen xiriirka kubada cagta ee Portugal Talaadadii ayaa lagu xaqiijiyay in xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or uusan ka muuqan wax calaamado cudur ah laakiin uu galayo karantiil.

Ronaldo ayaa ciyaaray 90 daqiiqo kulankii Portugal ay barbaraha goolal la’aanta la galeen xulka France Axadii, waxa uu sidoo kale dheelay kulankii Spain ee Khamiistii hore.

35 jirkaan ayay aheyd inuu Portugal u ciyaaro kulankii Sweden ee habeenkii Arbacada laakiin kulankaas kama uusan qeyb qaadanin.

 

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More