Codsi lama filaan ah oo u gogol xaaraya Messi inuu dib ugu laabto

(Barcelona) 25 Luulyo 2022. Waxaa soo baxay warar ku saabsan layaab heersare ah ee ku aadan suurtogalnimada xiddiga Paris Saint-Germain ee Lionel Messi, inuu ku laabto Barcelona mustaqbalka.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sport”, tababare Xavi Hernandez, ayaa ka codsaday, madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta, ​​inuu Messi ku soo celiyo Barca kaddib markii uu dhaco qandaraaskiisa PSG.

35 jirkaan qandaraaska uu kula jiro kooxda Paris ayaa dhacaya xagaaga 2023, maadaama Xavi uu doonayo inuu keeno kahor bilowga xilli ciyaareedka 2023-2024.

Xavi ayaa aaminsan in soo laabashada Messi ay wax ka tari doonto dib u soo nooleynta Barca ee heerar isboorti iyo mid dhaqaale, iyo sidoo kale in laxaliyo khilaafaadkii isaga iyo Barca horay u dhex maray, si loogu soo afjaro waayihiisa Barcelona sida ugu wanaagsan ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan.

Lionel Messi ayaa ka tagay garoonka Camp Nou sannadkii hore kaddib markii uu dhacay qandaraaskii uu kula jiray Barcelona, ​​wuxuuna si xur ah ugu biiray Paris Saint-Germain.

Inkasta oo Messi uu 36 jirsan doono xagaaga soo socda, haddana Xavi ayaa wali aaminsan in xiddiga reer Argantina uu awood u leeyahay inuu wax ku kordhiyo kooxda reer Catalonia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More