Christian Eriksen Oo Qoraal Xaal-warran Iyo Dardaaran Ah Soo Diray:

Christian Eriksen oo jiifa cusbitaalkii la dhigay Sabtidii markii uu wadne xanuunku kusoo booday ayaa soo diray qoraal uu ku dhiirigelayo ciyaartoyda xulka qarankiisa, kagana warramayo xaaladdiisa.

Eriksen ayaa isagoo ordaya ku dhacay garoonka dhexdiisa, waxaana xaaladdiisa lala tacaalayay in ku dhow 15 daqiiqadood iyadoo lagu xidhay mishiinada neefsiga, waxaana warbixinaha hordhaca ahi ay sheegayaan inuu wadne xanuun aan lagu ogeyni kusoo booday.

Kulankii uu kaga baxay koomada ee Finland ayuu waddankiisa Denmark la kulmay guul-darro iyadoo saamayn weyn ay ku yeelatay murugadii iyo xaaladdii ay ciyaartoydu galeen markii uu Eriksen geeri iyo nolol dhexdoodagalay.

29 jirkan ayay xaaladdiisu kasoo raynaysaa, laakiin lama hubo inuu mar dambe kubbad ciyaari doono sababtoo ah xaaladdiisa wadnaha ayaa laga shakisan yahay in aanay mar dambe u saamixi doonin inuu garoomada yimaaddo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Instagram ayuu Christian Eriksen iku sheegay in uu dareemayo fiicnaan iyo soo rayn, laakiin ay tahay in ciyaartoyda qarankiisu ay si wanaagsan ugu ciyaaraan dalkooda labada ciyaarood ee u hadhay si ay ugu soo gudbi karaan wareegga 16ka.

Christian Eriksen ayaa yidhi: “Mahad weyn ayaan idiinku hayaa salanatii macaanayd ee cajiibka ahayd iyo farriimihii aad iiga soo dirayseen adduunka oo dhan. Wax badan ayay noo ahaayeen aniga iyo qoyskaygaba.

“Waan fiicnahay, duruufana way jiraan. Wali waxa aan cusbitaalka ku marayaa baadhitaano, balse caadi ayaan ahay.

“Hadda, waxa aan ku fari doonaa wiilasha xulka Denmark kulamada soo socda. U ciyaara Denmark oo dhan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More