Chelsea waxay heysataa afar tababare oo ay kala xushaan

Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay dooratay afar tababare oo bedela Frank Lampard, kaasoo ceyrintiisa ay imaan doonto dhawaan hadii uu sii wado niyad jabkiisa Premier League. .

Blues ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay waxaana 3-1 ku garaacday Manchester City Axadii, taasoo sii kordhisay dhibaatada Lampard.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Ingiriiska, Lampard wuxuu heystaa fursad xadidan oo uu isku difaaco, laakiin hadii uu sii joogo aaga dib u dhaca bisha Janaayo, milkiilaha Roman Abramovich ayaa tusi doona albaabka.

Independent ayaa daaha ka qaaday in Chelsea ay heysato afar tababare oo cusub oo badal u noqda Lampard, oo labo ka mid ah ay soo leyliyaan kooxaha Premier League.

Thomas Tuchel, oo ay shaqada ka ceyrisay PSG dhamaadkii bishii Diseembar, ayaa hogaaminaya, waxaana ku xiga tababarihii hore ee Juventus iyo AC Milan Maximilliano Allergri.

Labada xiddig ayaa ah goolka ugu dhaw kooxda Blues laakiin waxa ay sidoo kale bartilmaameed ka dhiganayaan tababaraha kooxda Southampton Ralph Hasenhuttl kaas oo wacdaro ka dhigaya Premier League xilli ciyaareedkan.

Dooqa afaraad ee Chelsea waa tababaraha kooxda Leicester City Brendan Rodgers, kaasoo ay u badan tahay inuusan qaadan doonin go’aanka uu ugu dhaqaaqayo Stamford Bridge xilli kooxdiisu ay ku jirto horyaalka sare.

Ciyaarta ugu horeysa ee Chelsea waa Axada oo ay la ciyaarayaan Morecambe koobka FA Cup, waxaana ku xigi doona Fulham 15ka Janaayo kulanka West London derby.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More