Chelsea Oo Wada-hadallo La Furtay Jules Kounde Oo Ku Jiray Liiska

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wada-hadallo la furtay difaaca Sevilla ee Jules Koundé oo ay doonayso in ay lasoo saxeexato ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaan.

Jules Koundé oo ka mid ah difaacyada dhexe ee ugu wanaagsan horyaalka Spain ee LaLiga, qaybna ka ahaa xulka qaranka Faransiiska ee ka qayb-galay tartankii qaramada Yurub ee xagaagan, ayaa waxa shalay uu kusoo baxay liiska xiddigaha ay raadinayso Man United oo doonaysay in ay ka hawl-galaan saxeexiisa kaddib markii ay gacanta ku dhigeen Raphael Varane.

22 jirkan ayaa heshiiska uu kula jiro Sevilla waxa  lagu burburin karayaa €80 milyan oo Euro oo u dhiganta £68.4 milyan oo Gini, waxaana la rumaysan yahay in uu doonayo inuu u wareego Chelsea oo difaacanaysa Champions League.

Sida uu qoray wargeyska The Guardian ee kasoo baxa UK, isla markaana uu bartiisa bulshada ee Twitter-ka ku xaqiijiyey wariyaha Talyaaniga ah ee Fabrizio Romano, Chelsea ayaa wada-hadallo rasmi ah la bilowday Kounde, laakiin maanay sheegin in Blues ay diyaar u tahay inay bixiso £68.4 milyan ee Gini ee lagu burburin karayo qandaraaskiisa.

Blues ayaa waxa la sheegay in uu qorshaheeda ku jiro, in Sevilla oo xaalad dhaqaale oo xun ku jirta ay u bandhigto Emerson Palmieri iyo lacag, balse lama hubo inay aqbali doonaan.

Tababare Thomas Tuchel ayaa rajaynaya in uu lasoo saxeexdo hal weeraryahan oo ku wanaagsan dhalinta iyo difaac tayadiisu sarrayso, iyadoo ay hore Blues u iibisay Fikayo Tomori oo £30 milyan oo Gini ugu wareegay AC Milan iyo Marc Guehi oo £20 milyan oo Gini ku tegay Crystal Palace.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More