Chelsea oo soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa De Jong – FM

(London) 02 Luulyo 2022. Wargayska The Guardian ayaa caawa xaqiijiyay in Manchester United aysan haatan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa in ay hesho adeega xiddiga khadka dhexe reer Holland iyo kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Chelsea ay isha ku heyso xaallada ayna u fiirsan doonto haddii uu fashilmo hanaanka wada xaajoodka ee u dhaxeeya Barcelona iyo Manchester United si ay wada xaajood ula galaan kooxda reer Catalonia.

Waxyaabaha uu xiddiga reer Holland ee Frenkie de Jong ku dooran karo kooxda Chelsea ayaa noqon doonta ka qayb galka Champions League xilli ciyaareedka cusub, halka kooxda tababare Eric Ten Hag ee Manchester United ay ka qeyb kaleyso kaliya UEFA Europa League.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Chelsea ay si dhow ula socotay xaallada De Jong kahor inta uusan xitaa ka tagin Ajax Amsterdam oo uusan u saxiixin Barcelona sanadkii 2019.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo ayaa sheegaya in mudnaanta koowaad ay hadda Chelsea siineyso xoojinta xarumaha difaaca iyo weerarka kaddib bixitaanka Antonio Rüdiger, Christensen iyo Lukaku, iyo suurtogalnimada ah inay sidoo kale baxaan Azpilicueta iyo Marcos Alonso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More