Chelsea Oo Heshiis La Gaarey Dhaliyaha Mucjisada Ah Ee Erling Haaland

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay weeraryahanka reer Norway ee Eling Haaland oo dunida kaga yaabsaday gool dhalin mucjiso labadii sannadood ee u dambeeyey ee uu ka ciyaarayay kooxaha RB Salzburg iyo Borussia Dortmund.

Xiddigan ayay doonayeen kooxo badan oo Yurub ah oo hanqalka lasoo kacay markii ay ogaadeen in heshiiska uu kula jiro Borussia Dortmund lagu burburin karayo alcag dhan £68 milyan oo Gini marka la gaadho xagaaga 2022 ama sannad kaddib, laakiin Chelsea ayaa qasnaddeeda u furtay oo heshiis shaqsi ah lasii gaadhay, si ay uga badbaado in kooxo kale ka horqaadaan.

Chelsea ayaa hadda u baahan in ay la xaajooto Borussia Dortmund oo ay dhibaato badan kala kulmi doonto, gaar ahaan lacagta waallida ah ee ay kooxda reer Germany dalbanayso oo la rumaysan yahay inay tahay £150 milyan oo Gini oo dollar ahaan noqonaysa $211.7 milyan.

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich iyo tababare Thomas Tuchel ayaa hore uga wada hadlay sidii uu laacibkani u iman lahaa Stamford Bridge, waxaanay isku waafaqeen in Blues uu ka dhigi doono koox awood badan oo ku tartanta horyaalka, isla markaana u dagaallami karta inay difaacato koobka Champions League ee ay bishii hore ku guuleysatay.

Chelsea ayaa kala dooratay Erling Haaland oo 20 jir ah iyo Harry Kane oo toddoba sannadood ka weyn laakiin ay isku qiimo yihiin, waxaanay xulatay da’yarka reer Norway.

Erling Haaland ayaa waxa uu Stamford Bridge ugu iman doonaa weeraryahannada Timo Werner, Christian Pulisic, Tammy Abraham iyo Olivier Giroud, laakiin waxa suurtogal ah in laba ka mid ah xiddigahani ay tagaan ka hor inta aanu Haaland soo gaadhin London.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More