Chelsea Oo Guul Soo Laabasho Ah Gaartay, Man City Oo Badisay & Paris

Chelsea ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda Bournemouth oo ay kulan saaxiibtinimo la ciyaarayeen iyagoo ku badiyay natiijo 2-1 ah.

Bournemouth ayaa goolka ku hormartay daqiiqadii 66aad markii qeybtii hore la isku mari waayay barbaro goolal la’aan ah, iyadoo kooxda yar ee Ingariiska uu hogaanka u dhiibay Emiliano Marcondes.

Chelsea ayaase labo gool oo degdeg ah dhalisay daqiiqadii 72aad iyo 74aad iyagoo ciyaarta dhanka kale u rogay. Waxaa markii hore u barbareeyay Armando Broja ka hor inta uusan goolka guusha u dhalinin Ike Ugbo.

Manchester City ayaa iyadana guul 2-0 ah ka gaartay kooxda Preston End North iyadoo uga mahadcelineysa goolal ay u kala dhaliyeen Riyad Mahrez iyo Samuel Edozie.

Paris Saint-Germain oo xiddigo badan ay ka maqnaayeen ayaa barbaro ka tuugtay kooxda Sevilla iyagoo ku soo gabagabeeyay kulamadooda saaxiibtinimo barbaro 2-2 ah.

Ivan Rakitic ayaa rigoore hogaanka ugu dhiibay Sevilla ka hor inta uusan PSG u barbareynin Mauro Icardi. Oscar Rodriguez ayaa hogaanka ku soo celiyay kooxda reer Spain ka hor inta uusan Kenny Nagera goolka barbaraha u dhalinin kooxda Faransiiska daqiiqadii 88aad.

PSG ayaa Axada ayaa ciyaareysa kulanka koobka Trophée des Champions oo ay la ciyaarayaan kooxda Lille. Kulankaan ayaa sannad walba waxaa dheela kooxda qaaday horyaalka Faransiiska iyo kooxda ku guuleysatay koobka Coupe de France.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More