Chelsea Oo Guul Dahabi Ah Kasoo Gaartey Newcastle United,

3

Kooxda Chelsea ayaa guul kasoo gaadhay dhigeeda Newcastle United kulan xiiso badan oo 2-0 kusoo dhammaaday oo ay hoggaanka horyaalka kula sii wareegeen xiddigaha tababare Frank Lampard.

Chelsea ayaa goolasha ay kulankan saddexda dhibcood ka heshay gool uu si qaldan iskaga dhaliyay Fernandez iyo mid uu saxeexay Abraham.

Shaxdii Kulankan Ee Labada Kooxood

CHELSEA XI: Mendy, James, Rudiger, Zouma, Chilwell, Kante, Kovacic, Mount, Ziyech, Abraham, Werner.

Kaydka: Kepa, Christensen, Azpilicueta, Emerson, Jorginho, Hudson-Odoi, Giroud.

Newcastle XI: Darlow, Clark, Lascelles, Fernandez, Manquillo, Hayden, S Longstaff, Lewis, Murphy, Saint-Maximin, Joelinton.

Kaydka: Gillespie, Schar, Krafth, Hendrick, Shelvey, Almiron, Carroll.

FAAH-FAAHINTA KULANKA

Chelsea ayaa kulankan ku bilaabatay qaab cajiib ah, Timo Werner ayaa daqiiqadii 4-aad ee kulankan hoggaanka u dhiibi gaadhay kooxdiisa balse darbad joog hoose ah oo uu laagay ayuu xakameeyay goolhaye Darlow oo dhinac u saaray kubadda.

Markale Blues ayaa qarka u fuulay inay hoggaanka qabtaan, Hakim Ziyech ayaa karoos sarre qaaday waxaana meel dhaw madaxa ka raaciyay Tammy Abraham balse markale goolhaye Darlow ayaa kubadda dhinac u tuuray.

GOOAL: Chelsea ayaa daqiiqadii 10-aad ee kulankan hoggaanka qabatay, Kubad uu goolka soo hordhigay Mason Mount ayuu si qaldan iskaga dhaliyay daafaca Magpies ee Fernandez.

Weeraryahanka Newcastle United ee Joelinton ayaa meel fog kubadda kaga laagay goolka uu masuulka ka ahaa Mendy laakiin isku daygiisa ayaa hareer maray goolka.

Timo Werner ayaa daqiiqadii 30-aad ee kulankan fursad cadaan ah ka lumiyay Chelsea, kubad deg deg ahayd oo uu Abraham goolka ugu hor xakameeyay Werner ayuu xiddiga ree Germany meel aad u dhaw kubadda oo uu laagay goolka hareer mariyay.

Qaybta hore ee kulanka ayaa ku dhammaatay hoggaan 0-1 ah oo ay Chelsea ku horkacaysay, Blues ayaa uga mahad celinaya goolka xiddiga Newcastle ee Fernandez oo si qaldan iskaga dhaliyay.

GOOAL MAYA MAYA!1 Newcastle ayaa fursad dahabi ah heshay bilawgii qaybtii dambe, Isaac Hayden ayaa kubad uu la jiidhay daafaca Chelsea toos ula hortagay goolhaye Mendy balse kubadda oo uu si aad u sahlan ku dhalin karayay ayuu goolka dul mariyay.

GOOAL: Chelsea ayaa qaybtii labaad ee kulankan goolka labaad ee kooxdeeda ka heshay Tammy Abraham kaddib caawin uy ka helay Timo Werner, xiddiga ree Germany ayaa dhex orday daafacyada Newcastle isaga oo goolka hortiisa kubad sahlan u dhigay Abraham oo raaciyay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More