Chelsea Oo Daafac Adag Heshay, Xiddig Varane Dartii Uga Cararaya Man

Chelsea ayaa Sevilla la furtay wadahadalo ay ku doonayso daafaca dhexe ee Joules Kounde oo heshiiskiisa 68.5 Milyan pound lagu jabin karo. (Guardian)

Chelsea ayaa Sevilla siinaysa Kurt Zouma oo lagu daray lacag si ay uga soo qaadato Kounde. (Goal)

Borussia Dortmund weeraryahankeeda Erling Braut Haaland ayaa rajaynaya in wararka 175-ka Milyan ee euro kula xidhiidhinaya Chelsea ay kaliya xan yihiin. (Sky Sport Germany, via Sun)

Chelsea ayaa sidoo kale tixgelin doonta dalabaadka 40-ka Milyan ee pound ah ee laga soo gudbiyo Tammy Abraham. (Sky Sports)

Aston Villa kabtankeeda Jack Grealish ayaa mustaqbalkiisa go’aan ka gaadhi doona toddobaadka dambe, 25 sano jirkaas ayaa hadda ku jira fasaxiisa xagaaga. (Mirror)

Manchester City ayaa dalab furitaan oo £75 oo milyan ah ka gudbin doonta Grealish oo ay Villa ku qiimayso 100 Milyan oo pound. (Mail)

Liverpool ayaa isku dayi doonta inay qiime jaban oo ah 30 Milyan oo pound kula saxeexato Adama Traore oo Wolves ka tirsan. (Star)

Arsenal ayaa kooxda Serie A kusoo guuleysatay ee Inter Milan wax ka weydiisay suurogalnimada lagu heli karo weeraryahankeeda Lautaro Martinez. (Telegraph)

Manchester United khadkeeda dhexe ee Paul Pogba ayaan ku jirin wax deg-deg ah oo mustaqbalkiisa ah haddii uu joogayo Old Trafford iyo haddii uu koox kale tagayaba, 28 sano jirkaas ayuu heshiiskiisa United yahay mid ay 12 bilood ka hadheen. (90min)

Ole Gunnar Solskjaer rajadiisa ah inuu saxeexyo kale keeno Manchester United ayaa saamayn karta mustaqbalka kooxda ee Paul Pogba iyo Jesse Lingard. (Telegraph)

Eric Bailly ayaa caddayn doorkiisa kooxda ah weydiin doona Manchester United kaddib heshiiska ay la gaadhay Raphael Varane. (ESPN)

Tottenham ayaa wadahadalo ku jirta wali iyada oo doonaysa daafaca ree Argentina ee Cristian Romero xilli aysan rabin inay bixiyaan lacagta 47-ka Milyan ee pound ah ee ay Atalanta doonayso. (Guardian)

Spurs ayaa tartan helista Romero ah kala kulmi karta Barcelona oo isku diyaarinaysa gudbinta dalab ay ku doonayso xiddiga dalkiisa kasoo caawiyay hanashada Copa America. (SportItalia, via Mail)

Lorenzo Pellegrini oo lala xidhiidhinayay Tottenham ayaan doonayn inuu ka tago kooxdiisa AS Roma waxaana uu ku jiraa wadahadalo uu heshiis kordhin ku samaynayo. (Football Italia)

Barcelona ayaa u muuqata mid ku dhaw kordhinta heshiiska 18 sano jirka khadka dhexe ee Ilaix Moriba oo qandaraaskiisii hore hal sano ka hadhay. (Goal)

Manchester City ayaa kooxda ree Portugal ee Estoril Praia la gaadhay heshiis ay amaah ugu siinayso weeraryahanka ree Japan ee Ryotaro Meshino. (Manchester Evening News)

Turkish Super Lig kooxda ka ciyaarta ee Trabzonspor ayaa doonaysa inay xilli ciyaareed amaah ah ku qaadato weeraryahanka Chelsea ee Michy Batshuayi (Milliyet – in Turkish)

Newcastle United ayaa kalsooni weyn ku qabta inay Joe Willock oo 21 sano jir ah qaab amaah ah kaga soo qaadan doonto Arsenal. (Mail)

Dhinaca kale kooxda ree France ee Monaco ayaa la xidhiidhay shaqsiyaadka ku dhaw dhaw Joe Willock iyaga oo siin kara fursada uu Champions League kaga ciyaarayo xilli ciyaareedka dambe. (Foot Mercato via Inside Futbol)

Juventus tababarheega Massimiliano Allegri ayaa qish ka bixiyay in Miralem Pjanic oo Barcelona ku dhibtoonaya uu dib ula saxeexan karo. (Football Italia)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More