Chelsea oo badelka Jules Koundé ka dooneysa kooxda Leicester City

(London) 27 luulyo 2022. Xiddiga reer France ee Jules Koundé ayaa ku dhow inuu si rasmi ah ugu biiro kooxda Barcelona, ​​​​taasoo khasaare weyn ku ah qorshaha Chelsea ee suuqa xagaagan.

Chelsea ayaa xiiso weyn u muujisay adeega daafaca Sevilla ee Jules Koundé, laakiin xiddiga reer France ayaa doortay kooxdiisa cusub, taas oo keentay in maamulka Blues ay ku wareeraan xoojinta difaaca.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee  dalka Engladn, Chelsea ayaa ka fiirsaneysa suurtogalnimada ay kula saxiixan karto daafaca reer France iyo kooxda Leicester City ee Wesley Fofana, si kor loogu qaado awooa daafaca ee Blues, kaddib bixitaanka Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Chelsea, oo horey ugu guuleysatay inay hesho saxiixa daafaca caalamiga ah ee reer Senegal Kalidou Koulibaly, isla markaana ay raadineyso inay xaqiijiso heshiis daafac labaad, kahor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Wesley Fofana waa 21 jir, waxa uu ku fiican yahay ka ciyaarista daafaca dhexe,waxana uu qandaraas kula jiraa Leicester City ilaa June 2027.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More