Chelsea Oo Arsenal Xiddig Siinaysa, Shan Liverpool Laga Dirayo &

Chelsea ayaa wakiilka weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski kala hadashay suurogalnimada uu Stamford Bridge ku iman karo. (Bild, via Sun)

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa inay dalab 80 Milyan oo pound ah ka gudbsio goolhayaha Sheffield United ee Aaron Ramsdale. (Talksport)

Si kastaba Gunners ayaa loo sheegay inay tahay inay 32 Milyan oo pound wax ka badan kor ugu qaadaan dalabkooda Ramsdale iyadoo laba dalab laga diiday. (Times)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay Arsenal amaah ugu dirto weeraryahan Tammy Abraham xilli ay sidoo kale West Ham United iyo Tottenham xiisaynayaan. (Sun)

Weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner ayaa u furan inuu ka tago Chelsea xagaagan waxaana macquul ah inuu doorbido ku laabashada Bundesliga. (90min)

Liverpool ayaa iibin karta Nat Phillips, Xherdan Shaqiri, Neco Williams, Divock Origi iyo Harry Wilson xilli ay doonayaan inay lacagaha ay iibka ka samaynayaan gaadhsiiyaan 60 ilaa 70 Milyan oo pound. (Liverpool Echo)

Liverpool ayaa bar-tilmaameed ka dhigatay garabka weerar ee kooxda West Ham United ee Jarrod Bowen. (Athletic, subscription required)

Paris St-Germain ayaa xiisaynaysa Paul Pogba oo Man United ka tirsan balse ay tahay inay marka hore ciyaartoy iibiso. (Sky Sports)

Manchester United ayaa Arsenal kaga horreysa saxeexa Ruben Neves oo Wolves 35 Milyan oo pound ku qiimayso. (Talksport)

United ayaa sii wada wadahadalada ay Real Madrid kaga doonayso daafaca dhexe ee Raphael Varane. (Daily Express)

Dhinaca kale Man United ayaa heshiis uu toddobaadkii mushahar ahaan ugu qaadanayo Leon Goretzka u bandhigtay Leon Goretzka oo heshiiskiisa Bayern Munich xagaaga dambe dhacayo. (Mail)

Laakiin Real Madrid ayaa sidoo kale xidhiidh la samaysay Leon Goretzka. (Bild, via Marca)

Aston Villa ayaa wadahadalo meel fiican maraya kula jirta Norwich City oo ay kala wareegayaan 23 sano jirka khadka dhexe ee Todd Cantwell. (Football Insider)

Villa ayaa sidoo kale diyaar u ah inay u dhaqaaqdo garabka Bayer Leverkusen ee Leon Bailey oo 25 ilaa 30 Milyan oo pound lagu qiimeeyo. (Mail)

Crystal Palace ayas Schalke kala xaajoonaysa heshiis ay Ozan Kabak kagala wareegayso, daafaca Turkish-ka ah ayaa 10 ilaa 12 Milyan oo pound noqonaya. (Guardian)

Everton ayaa ku biirtay liiska kooxaha doonaya saxeexa 28 sano jirka Man United ee Jesse Lingard. (Sun)

West Ham tababaraheeda David Moyes ayaa bar-tilmaameed ka dhigan doona Ross Barkley oo Chelsea ka tirsan haddii ay Lingard la saxeexan kari waayaan. (90min)

Newcastle United ayay tahay inay 13 Milyan oo pound bixiso haddiiba ay doonayso saxeexa 21 sano jirka Jens-Lys Cajuste oo ka tirsan kooxda FC Midtjylland. (Chronicle)

Matheus Pereira oo West Brom ka tirsan ayaa xiiso ka helaya kooxo Premier League iyo Bundesliga ka ciyaara. (Express and Star)

Donny van de Beek ayay ka go’antahay inuu xagaagan joogo Man United walow uu xiiso ka helayo Italy, Spain iyo Germany. (Manchester Evening News)

Juventus ayaa ku dhaw inay kooxda Sassuolo kala heshiiso saxeexa 23 sano jirka Manuel Locatelli oo sidoo kale Arsenal aad u doonaysay. (Corriere dello Sport, in Italian)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More