Chelsea, Man United Mise PSG? Raphael Varane Oo Doortay Kooxda Uu Ku

Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa la xusayaa inuu gaadhay go’aanka mustaqbalkiisa isla markaana uu doortay kooxda uu doonayo inuu ku biiro suuqa xagaaga.

Varane oo 28 sano jir ah ayaa la fahamsan yahay inuu bar-tilmaameed u yahay tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer si lamid ah dhigiida Chelsea ee Thomas Tuchel.

Daafaca ree France ayaa ah mid kamida daafacyada dhexe ee ugu wanaagsan Yurub balse Real Madrid ayay isku fahmi waayeen heshiis kordhin iyadoo qandaraaskiisu dhacayo xilli ciyaareedka dambe.

Real Madrid ayaa doonaysa inay iska dirto daafacaas iyaga oo ku raba lacag ay ka sameeyaan halkii ay qaab xor ah ku waayi lahaayeen xagaaga 2022.

Sida ay sheegayaan warbixinihii ugu dambeeyay, xiddiga kusoo guuleystay koobkii aduunka ee 2018 ayaa doonaya ku laabashada dalkiisa France iyo ku biirista kooxda Paris Saint-Germain taas oo dhirbaaxo ku ah kooxaha Premier League.

Sida uu sheegayo wargeyska El Confidencial oo ah midka xogtan laga helay, PSG ayaa xiisaynaysa Varane halka ay Madrid lacag 60 Milyan oo euro ah ku doonayso iibkiisa.

Warka sida gaarka ah ugu xun Man United ayaa ah in waayitaanka Varane uu sidoo kale ku sababayo waayitaanka ciyaaryahan kale oo booskiisa bar-tilmaameed ugu ahaa.

Real Madrid ayaa si ay u bedesho Varane la saxeexan karta daafaca Sevilla ee Joules Kounde kaas oo ah ciyaaryahanka kale ee booska daafaca dhexe ay u doonayso Manchester.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More