#Chelsea 2 Burnley 2: Kante ayaa ku dhaawacmay iyadoo Inamadda Sarri ay iska lumiyeen fursad ay seddexaad ku gali kareyn

396,460

Kooxda Chelsea ayaa bar-baro 2-2 la dhaafi weyday Kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka Premier league.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa ahaa mid aad u xiiso badan kaddib markii la iska dhaliyey Afar gool, wallow ciyaarta ayaa ku dhaamatay 2-2 qeebtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Burnley oo marti aheyd ayaa la timid goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xidiga lagu magacaabo Hendrick daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta.

Daqiiqado kooban kaddib kooxda Chelsea ayaa durba la timid goolka bareejada ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Kante kaddib caawin uu ka helay Eden Hazard.

Bules ayaa sii laba jibaartay weerarada ay ku qaadeyso goolka Kooxda Burnley iyaga oona mar kale gaaray shabaqa daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta kaddib gool uu dhaliyey Higuain.

Kooxda Burnley oo aan ka niyad jabin ciyaarta ayaa ka faa’ideysatay fudsad kale oo ay helaan iyaga oona ciyaarta ka dhigay 2-2 kaddib gool ay ka heleen laacibkooda Barnes daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka qeebtiisa koowaad ayaa lagu kala maray bar-baro, muddo kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Markii dib la isagu soo laabtay qeebtii dambe ee ciyaarta kooxda Chelsea ayaa sameesay isku dayo badan oo gool loo filan karay balse midne kama aysan faa’ideysan in ay gool u badalaan.

Guud ahaan gacan ku heentii kulanka waxaa la wareegay kooxda Bules balse uma suura galin in heleen goolka guusha, ugu dambeen kulan ciyaareedkii ayaa ku soo idlaaday bar-baro 2-2.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More