CHAMPIONS!!! Leicester Metropolis Oo Ku Guuleysatay Koobkeedii Ugu Horreeyey

Kooxda kubadda cagta Leicester Metropolis ayaa ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyey ee FA Cup ah muddo 137 sannadood ah oo ay jirtay, waxaanay 1-0 kaga badisay Chelsea oo ay ku kulmeen garoonka Wembley oo ay fadhiyeen 21,000 taageereyaal ah.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag ayay Leicester Metropolis xaqiijisay in ay qaaddo koobkeedii ugu horreeyey ee FA Cup ah, iyadoo sidoo kalena ay u ahayd finalkii ugu horreeyey ee ay timid tan iyo sannadkii 1968kii.

Gool uu daqiiqaddii 63aad u dhaliyey laacibka khadka dhexe ee Tielemans ayaa Leicester Metropolis u horseeday guusha koobkan ugu taariikhda weyn dunida, waxaana kubadda oo uu ka toogtay masaafo 25 yard ah uu ku hubsaday goolka, iyadoo goolhaye Kepa Arrizabalaga uu awoodi kari waayey in uu joojiyo kubaddaas oo ka gashay koornaha sare ee bidix.

Chelsea ayaa gool dhalisay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray, kaas oo uu dhaliyey Ben Chilwell oo xerada ganaaxa dhexdeeda kubadda kaga lug horreeyey Albrighton, laakiin markii ay Chelsea dhamaysteen dabbaal-degga ee kubadda lasoo dhigay badhtamaha garoonka ayaa uu garsooruhu joojiyey in la bilaabo kubadda kaddib markii lagala soo hadlay VAR.

Xoogaa ay ciyaartu taagnayd kaddib, waxa la xaqiiijiyey in Chilwell uu offside ku jiray, waxaana sidaas lagu tirtiray goolka.

Brendan Rodgers ayaa ku guuleystay koobkiisii ugu horreeyey ee weyn ee Ingiriiska gudihiisa, halka Leicester Metropolis ay u tahay koobkii labaad ee muddo shan sannadood gudahood ah ay qaaddo.

Waxa uga horreeyey horyaalka Premier League  oo sannadkii 2016 uu u qaaday Claudio Ranieri, waxaana hadda ku xigsiiyey Brendan Rodgers oo FA Cup-kii ugu horreeyey u qaaday.

1 – Brendan Rodgers is the primary supervisor to win each the English and Scottish FA Cup since Sir Alex Ferguson (4 Scottish FA Cup titles with Aberdeen and 5 English FA Cup titles with Man Utd). Assortment. #FACupFinal pic.twitter.com/FxNjzzxqsC

— OptaJoe (@OptaJoe) Could 15, 2021

Thomas Tuchel ayaa isaguna lumiyey finalkii ugu horreeyey ee uu Chelsea keenay, waxaana ay hadda sugayaan finalka Champions League oo dhamaadka bishan Could ay la ciyaari doonaan Manchester Metropolis.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More