CHAMPIONS!!! Bayern Munich Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Bundesliga Iyo

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga markii sagaalaad oo xidhiidh ah, waxaanay kulankii ugu dambeeyey maanta kusii xasuuqday Augsburg, iyadoo uu rikoodh cajiib ah dhigay Robert Lewandowski oo dhaliyey goolkiisii 41aad ee horyaalka ee xilli ciyaareedkan dhamaaday.

Bayern Munich ayaa guusheeda horyaalka waxay xaqiiqsatay horraantii bishan May, waxaanay kulamadii ugu dambeeyey oo dhan dheelaysay iyadoo kaliya sugaysa inta la gaadhayo kulanka ugu dambeeya ee lagu guddoonsiinayo koobka.

Ciyaarteedii ugu dambaysay ayay maanta ku dubatay Augsburg oo ay ku garaacday 5-2, waxaana goolka koowaad iska dhaliyey difaaca Augsburg ee Jeffrey Gouweleeuw ka hor intii aanay ka  hor intii aanay Gnabry, Kimmich iyo Kingsley Coman qaybta hore raacinin saddex gool oo kale.

Augsburg ayaa qaybtii dambe heshay laba gool oo ka badbaadin kari waayey xaquuqa Munich, waxaana dhamaadkii ciyaarta gool taariikhda galay ka dhaliyey Robert Lewandowski.

Bayern Munich ayaa sidaas ku qaadday Koobkeedii sagaalaad oo xidhiidh ah.

Dhinaca kale, Borussia Dortmund ayaa ku dhamaysatay kaalinta saddexaad ee horyaalka Bundesliga, waxaanay rumaysay riyo waqti u muuqatay mid aan hirgeli karaynin maadaama ay kaalinta  shanaad ku jireen, dhibco badanna laga horreeyey.

Dortmund ayaa galabta ku galgalatay Bayer Leverkusen oo ay ku garaacday 3-1, taas oo keentay in ay kaalinta saddexaad ka cidhiidhsadaan Wolfsburg oo afraad u dhacday kaddib guul-darro kasoo gaadhay Mainz.

Afarta kooxood ee Bayern Munich, RB Leipzig, Borussia Dortmund iyo Wolfsburg ayaa Jarmalka  uga soo qayb-geli doona tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, halka Europa League ay iman doonaan Eintracht Frankfurt oo shanaad ku dhamaysatay iyo Bayer Leverkusen oo kaalinta lixaad gashay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More