Carlo Ancelotti Oo Farriin Khibradeed Iyo Waayo-aragnimo U

Tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay cadaadiska la sheegayo inuu saaran yahay tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ka hor  kulanka ay Sabtida ku qaabilayaan.

Everton ayaa Sabtida kusoo dhoweyn doonta garoonkeeda Goodison Park kooxda Manchester United oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga soo badiyey, waxaanu kulankani imanayaa iyadoo wararka suuqa ku jiraa sheegayaan in Ole Gunnar Solskjaer ay shaqadiisu ku xidhan tahay ciyaartan oo la eryi doono.

Carlo Ancelotti oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka hor ciyaartan ayaa waxa uu niyad-sami u muujiyey tababaraha uu waajahayo ee Solskjaer, waxaanu uga faa’iideeyey khibradda dheer ee uu leeyahay iyo siyaabaha ay ku yimaaddaan culaysyada tababarenimadu, waxaanu yidhi: “Si guud, niyad-samaan ayaan u muujinayaa dhamaan tababareyaasha, sababtoo ah waa shaqo adag.

“Anigu waan ka khibrad badanahay Ole Gunnar Solskjaer, waxaanan u sheegayaa in marka aanay wax si fiican u socon, in hal qof oo kali ahi uu masuul ka yahay, waana tababaraha, shakina kuma jiro tan.

“Tababare kasta waxa saaran cadaadis. Waxa aan odhan karaa tani waa sharaf, culayska aynu haynaana waa sharaf. Markaa, waa inaynu awood u yeelano inaynu nafaheena daraasayno, isla markaana maskax deggan adeegsano.”

Manchester United waxay horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ku bilaabatay qaab liita, waxaanay fadhiyaan kaalinta 15aad iyagoo toddoba dhibcood oo kaliya ka helay lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey. Balse dhinaca Champions League ayay laba guulood oo waaweyn ka gaadheen iyagoo garaacay PSG iyo RB Leipzig, ka hor intii aanay si lama filaan ah kooxda yar ee Istanbul Basaksehir uga badin.

Laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa rumaysan in kulanka Manchester United uu aad u adkaan doono, iyadoo kooxdiisa Everton ay doonayso inay kasoo kabato labadii guul-darro ee Southampton iyo Newcastle ee sababta u noqday inay lumiyaan hoggaanka horyaalka Premier League.

“Fursad weyn ayay noo tahay berri oo aanu ku illoobi karno labadii guul-darro, iyo inaanu ku laaban karno hoggaanka horyaalka.” Ayuu yidhi Ancelotti oo intaa ku daray: “Waxay noqon doontaa ciyaar adag, sababtoo ah waxaanu ognahay in Manchester United ay tahay koox xooggan. Laakiin annaguna waxaanu doonaynaa inaanu ka faa’iidaysano fursaddan.

“Waligeed waqti fiican may noqonin inaad la ciyaarto United, sababtoo ah waa koox khibrad iyo tayo badan. Waa xaqiiqo inay baaxaa-degayeen qaybta hore ee xili ciyaareedkan, laakiin waxa kale oo xaqiiqo ah inay kulamo dhab ahaantii wanaagsanaa soo ciyaareen.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More