CAJIIB: Xiddig Atletico Madrid Ah Oo Qaab Aan Hore Loo Arag Guur Kaga

Khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Marcos Llorente ayaa qaab cajiib ah oo aan hore loo arag gegida kooxdiisa ee Stadio Wanda Metropolitano ugu soo bandhigtay guur gacalisadiisa Patricia Noarbe.

Llorente ayaa Patricia Noarbe halkaas oo ay si wadajir ah ugu daawadeen muuqaal laga sameeyay ciyaaryahanka xilli ciyaareedkii hore.

Kaddib muraayada gegida ayaa lagu muujiyay sawiro ay iyagu wadajir ugu jiraan kahor inta uusan Marcos Llorente hal jilib dhulka dhigin si uu guur uga dalbado Noarbe.

Noarbe ayaa si deg-deg ah uga aqbashay guurka uu Llorente qaabka cajiibka ah uga dalbaday iyadoo ilinta ceshan weyday.

Si uu ugu dhammaystiro kediska uu u sameeyay, qoyska iyo asxaabtood ayaa dhammaantood soo galay gudaha garoonka si ay ugu hambaleeyaan lamaanaha cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More