CAJIIB: Tababaraha Xiga Ee Barcelona Oo La Qiimeeyay, Lionel Messi Oo

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ah midka ugu cad cad ee noqon kara tababaraha xiga ee kooxdiisii hore xilli uu cadaadis saaran yahay macalinka haatan ee Ronald Koeman.

Koeman ayaa Barcelona lasoo maray xilli ciyaareed adag iyaga oo hadda booska saddexaad kaga dhammaysan kara horyaalka La Liga kana dambayn kara Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay Barcelona booska saddexaad kaga dhammaysato horyaalka La Liga mudo 13 sano ah kaddib taas oo cadaadiska tababaraha Dutch-ka ah kusii kordhinaysa.

Wakaalada Betfair oo samaysa saadaalinaha kala duwan ee kubadda cagta ayaa saadaalinta tababaraha cusub ee Barcelona booska koowaad ka siisay Xavi oo kusoo baxay qiimayn 5/2 ah.

Xavi ayaa shaqadiisa tababarenimo ka bilaabay kooxda Al Sadd ee dalka Qatar, dhawaan ayuu halyeeyga ree Spain kooxdaas sanadkii labaad oo xidhiidh ah la qaaday horyaalka dalkaasi iyo Qatar Cup.

Boosk labaad ayuu si lama filaan ah u galay Mikel Arteta oo qudhiisa cadaadis ku saaran yahay shaqadiisa Arsenal kaddib xilli ciyaareed gaabis ah.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in Julian Nagelsmann oo dhawaan Bayern Munich loo magacaabay iyo Lionel Messi oo kooxda kabtan u ahi ay kusoo baxeen qiimayntan.

Halkan Kaga Boggo Fursada Tababare Kasta U Haysto Barcelona

Xavi – 5/2Mikel Arteta – 11/4Javier Garcia Pimienta – 6/1Roberto Martinez – 6/1Patrick Kluivert – 9/1Julian Nagelsmann – 10/1Erik ten Hag – 12/1Luis Enrique – 12/1Marcelo Gallardo – 14/1Jordi Cruyff – 14/1Max Allegri- 16/1Thierry Henry – 25/1Lionel Messi – 40/1Unai Emery – 40/1

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More