CAJIIB: Milkiilaha Chelsea ayaa jabiya

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa lagu soo waramayaa inuu jabiyay sharcigii uu dhowr sano ka hor sameeyay si uu ugu soo dajiyo weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Erling Braut Haaland garoonka Stamford Bridge.

Abramovich ayaa ka caga jiidaya inuu aqbalo qof kale isla markaana ka qeyb qaato heshiiska ay kooxdu ugu dhaqaaqeyso Haland.

Jebinta Abramovich ee qandaraaskiisa dhawr sano ka hor ayaa ahayd in wakhtigaas uu balanqaaday inuusan keenin ciyaaryahan uu wakiil ka yahay wakiilka reer Talyaani ee Mino Raiola, oo haatan ah Erling Haaland.

Chelsea waxay isku dhaceen wakiilka Mino Raiola sanadii 2017 markii weeraryahankooda Romelu Lukaku uu u dhaqaaqay Manchester United.

Chelsea ayaa waqtigaas aaminsanayd inay ku guuleysatay tartankii loogu jiray saxiixa laacibka reer Belguim isla markaana aysan ku faraxsanayn u dhaqaaqistiisii ​​Old Trafford.

Mar labaad, isla labada naadi ayaa haatan ku tartami doona saxiixa Haaland, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in United ay ka dhigtay bartilmaameedkeeda koowaad.

Heshiis kasta oo Haland looga tagayo Dortmund, halkaasoo uu 31 gool ku dhaliyay 30 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, waxaa sabab u ah kooxda oo dooneysa inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka reer Norway ayaa waxaa kaabaya xaqiiqda ah in kooxaha Man City, Real Madrid iyo Bayern Munich ay sidoo kale xiiseynayaan.

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa loo sheegay in kooxda ay wajihi doonto tartan adag oo ay ku heli karto 20 jirkaan qiimo kasta oo ay ku kacdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More