“Cadaadis Ayaa Jira, Waxa Aan Dareemayaa Qulqulka Dhiigga Ee Xididdada

Juventus ayaa  berri u halgami doonta  in ay hesho guul iyadoo rajaynaysa in laga badiyo qaar  ka mid ah kooxaha ka horreeya, si ay ugu soo dallici karto kaalmaha sare oo ay Champions League uga soo muuqan karto.

Bianconeri ayaa waxay min hal dhibic ka dambaysaa Napoli iyo AC Milan, laakiin Milan ayaa ay sugaysaa ciyaar adag iyadoo la ballansan Atalanta oo iyadu xaqiijisatay booskeeda Champions League.

Andrea Pirlo oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka berri ayaa waxa uu wariyeyaasha u sheegay go’aanka mustaqbalkiisa, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in uu rajaynayo in kooxdu siiso fursad uu kusii joogo kooxda.

“Ilama aha in kooxdu ay go’aankeeda ku sallayn doonto waxa dhici doona berri {haddii kooxdu ay usoo bixi weydo Champions League}. Waxay ila tahay in fikraddoodu ku sallaysnaan doonto wixii dhacay xilli ciyaareedka ee wixii qaldamay iyo wixii saxmay.” Ayuu yidhi Andrea Pirlo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Andrea Pirlo  intaa ku daray: “Go’aankooda kuma sallaynayaan ciyaartii u dambaysay ama natiijada hal kulan. Iyaga ayaa iska leh go’aanka, waxaananu arki doonaa waxa dhaca.

“Waan jecelahay inaan sii joogo shaqadan, waa wax iska caadi ah in aan xaqiijiyo kaalintayda sababtoo ah culays ayaa jira. Waxa aanu u baahanahay in aanu dareeno qulqulka dhiigga ee xiddidadaada, waxa aan doonayaa in aan sii wado tababaridda ciyaartoydan iyo kooxdan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More