CABASHO: Jamaahiirta Tottenham Iyo Chelsea Oo Kasii Cawday Bilawga

Jamaahiirta kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter-ka ku dhiibtay aragtiyahooda ah kulamada xilli ciyaareedka dambe ee 2021-22 ay ku bilaabanayaan kooxahoodu.

Thomas Tuchel ayaa Chelsea xilli ciyaareedkii hore ugu soo dhammeeyay qaab cajiib ah iyaga oo kusoo guuleystay Champions League, taas ayaa kor u qaadaysa rajada ay Man City ugula tartami karaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

Si kastaba, tababaraha German-ka ah ayaa wajahaya kulamo holac ah bilawga xilli ciyaareedka isaga oo lixda kulan ee ugu horreeya kahor tagi doona afar kamida lixda kooxood ee waaweyn ee horyaalka (Arsenal, Liverpool, Tottenham, Man City).

Sidoo kale taageerayaasha ayaa kasii dooday suurogalnimada ay ugu furan karaan xilli ciyaareedka kulan ay kahor tagayaan tababarahoodii hore ee Frank Lampard maadaama kooxda lala xidhiidhinayo ee Crystal Palace ay ku bilaabanayaan.

Jamaahiirta ayay qaarkood aaminsan yihiin in rajadii kooxdooda ee xilli ciyaareedka dambe ee horyaalku ay dhammaatay maadaama oo ay kooxdoodu inta badan u baahato kulamo ay xidhiidh guulo u gaadho si ay isku fahmaan kaddibna kooxaha waaweyn sidaas kula kulmi karaan.

Dhinaca kale taageerayaasha Tottenham ayaa ka wer-wersan kulanka ay ku bilaabanayaan ee ay kahor tagayaan Man City iyo Pep Guardiola.

Cabsida taageerayaasha Spurs ayaan ahayn mid ay ka qabaan Sky Blues balse ah inay kahor tagi karaan Harry Kane oo hadda kooxdooda ka tirsan balse aad loola xidhiidhinayo dhinaca City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More