Booska Goolhayaha Dookha Koowaad Ee Man United Oo Ugu Dambayn Si

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay go’aamisay goolhayaha dookha koowaad ee ay xilli ciyaareedka cusub ku galayso xilli uu loolan ka dhaxeeyay David De Gea iyo Dean Henderson.

De Gea oo 10-kii sano ee ugu dambeeyay ahaa xulashada koowaad ee Red Devils ayaa hoos u dhac soo muujiyay sanadihii ugu dambeeyay taas oo dhalisay in su’aal laga keeno suurogalnimada uu booskiisa kusii xejisan karo.

De Gea ayuu qaladaadkiisa culays ugu daray Dean Henderson oo heshiisyo amaah ah oo najaxay soo qaatay gaar ahaan heshiiskii uu Sheffield United kaga soo caawiyay inay Premier League usoo dalacdo kaddibna isla Premier League wacdarro kaga dhigto.

Xilli ciyaareedkii hore ayaa soo dhammaaday iyadoo intiisii dambe uu Hendo ahaa xulashada koowaad ee kooxda gaar ahaan Premier League oo ah tartanka ugu muhiimsan xilli uu De Gea ciyaarayay kulamada Europa League oo uu qaab niyad jab leh ku dhammaystay.

Haddaba, wargeyska xog ogaalka dhaw ah ee Manchester Evening News oo war  cusub ka sheegay xaalada loolanka doorka No.1 ee Manchester ayaa sheegaya in Henderson uu xilli ciyaareedka dambe ku bilaaban doono isaga oo dookha koowaad ah.

Waxa xusid mudan inuu De Gea soo gaabiyay fasaxiisa xagaaga oo uu tababarka xilli hore ku laabanayo si uu ula tartamo Henderson balse warkan ayaa ah mid dhirbaaxo ku noqon kara dedaaladiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More