Boorsooyinkaaga si deg deg ah u xir. Ka tag Man U

Telegraaf ayaa u sheegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Donny Van De Beek inuu ka tago kooxda iyadoo la doonayo shuruudo ah inaan la shaacin.

Van De Beek kuma uusan bilaaban nolol wanaagsan Manchester United, ciyaaryahanka reer Holland, oo 35.5 milyan oo ginni kaga soo biiray Ajax xagaagii, ayaan weli ciyaarin safka koowaad ee Ole Gunnar Solskjær.

Kulankii ugu dambeeyay ee Donny ee Premier League ee United wuxuu ahaa kii Leeds United ee 20kii bishii hore, waxaana xigay guushii Carabao Cup ee Everton.

Gudaha Nederland, warbaahintu waxay umuuqataa inay cadaadis saareyso Van De Beek inuu raadsado koox cusub.

Maqaal lagu daabacay The Telegraaf ayaa lagu yidhi: “Si dhakhso leh shandadaada u xidho” waa haddii uu ka tago Manchester haddii uusan ciyaarin kulanka Carabao Cup ee ay Manchester City ku wajahayaan Old Trafford Arbacada

23 jirkaan reer Holland ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo Euro sanadkan laakiin wuxuu kursiga keydka fadhiyaa Paul Pogba, Bruno Fernandes, Fred iyo Scott McTominay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More