Bayern Munich oo kula tartamaysa Real Madrid saxiixa xiddig ka

(Yurub) 01 Juun 2022. Wargayska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in maamulka Bayern Munich ay si dhab ah uga fikirayaan in ay heshiis la gaaraan, xiddiga reer England iyo kooxda Manchester City ee Raheem Sterling, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Bayern Munich ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato weeraryahano cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, maadaama la filayo inuu baxo dhaliyaheeda ugu sarreeya ee Robert Lewandowski, kaasoo si rasmi ah u shaaciyay inuu doonayo inuu ka tago kooxda Bavarian xagaagan, waxaana saxiixiisa lala xiriirinayaa naadiga Barcelona.

Sidoo kale, Serge Gnabry ayaa la qorsheeyay inuu ka tago Bayern Munich xagaagan, taasoo keentay in kooxda naadiga Bavarianka ay baahi weyn u qabto saxiixyada weeraryahano cusub.

Wargayska ayaa tilmaamay in Bayern Munich ay tahay kooxdii ugu dambaysay ee ku soo biirta tartanka loogu jiro saxiixa Raheem Sterling xilli kooxda reer Jarmal ay aad u xiisaynayso qandaraaska xiddiga reer England kaas oo uu hal sano uga hadhsan yahay heshiiska uu kula jiro Manchester City.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in Bayern Munich ay tartan adag kala kulmi doonto Real Madrid, iyo Chelsea, si ay ugu guulaysato adeegga xiddiga reer England iyo kooxda Manchester City ee Raheem Sterling.

Waxaa xusid mudan in Sterling uu kala qeyb galay Manchester City xilli ciyaareedkii lasoo xiray 47 kulan, waxaana uu ku guuleystay inuu dhaliyo 17 , isaga oo caawiyay 9 kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More