#Barcelona Waxaay heshiis la gashay kooxda Zenit Saint Petersburg sii ay ugu wareejiyaan Malcom

71,208

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku shaacisay boggeeda rasmiga ah goor dhow in xiddigeeda reer Brazil ee Malcom uu ku biiray naadiga Zenit Saint Petersburg ee dalka Russia.

Kooxda reer Catalonia ayaa sheegtay in dhigiisa reer Russia ee Zenit Saint Petersburg ay bixin doonaan qiimo dhan 40 milyan euro, oo ay sii dheer tahay 5 milyan oo euro oo kale ee lacagaha kala wareejinta ah.

Barcelona ayaa la soo saxiixatay Malcom oo 22 jir ah, xagaagii lasoo dhaafay, laakiin fursado badan kama uusan helin macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde, maadaama ay haatan kooxda ku sugan yihiin xiddigaha Ousmane Dembélé iyo Philippe Coutinho.

Blaugrana ayaa uga mahadcelisay xiddiga reer Brazil ee Malcom dadaalkiisa waxayna u rajeeyeen guul mustaqbalka.

Malcom ayaa kooxda Barcelona u ciyaaray 24 kulan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, 15 ka mid ah waa horyaalka La Liga, 6 kulan Copa del Rey, iyo 3 kulan oo Champions League ah,

Wuxuu guud ahaan kulmadan ku dhaliyay 4 gool, 1 gool oo horyaalka La Liga ah, 2 gool oo Copa del Rey, iyo sidoo kale 1 gool oo ah tartanka Champions League.

Xiddiga reer Brazil ayaa kooxda Barcelona kula guuleysatay 2 koob ee kala ah Spanish Super Cup iyo horyaalka La Liga.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More