Barcelona Oo Weerar Ku Ah Arsenal, Heshiiska Waalida Ah Ee Ay PSG Ku

Paris St-Germain ayaa Manchester United khadkeeda dhexe ee Paul Pogba mushahar ahaan u siin doonta toddobaadkii £510,000 haddii uu bilaash ugu biiro xagaaga dambe. (Independent)

Tottenham weeraryahankeeda Harry Kane ayaa rajaynaya in Man City ay dalab cusub oo ay kaga dhigayso xiddiga ugu qaalisan abid England kasoo gudbin doonto. (Telegraph)

Manchester City ayay ka go’antahay inay sii wado dedaalada ay kula saxeexanayso weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane walow ay kooxdiisu kusoo cel-celinayso inuusan iib ahayn. (ESPN)

Laakiin City ayaa soo af-meeri doonta xiisaheeda Kane haddii ay Tottenham diido inay heshiis gaadhaan xagaagan. (Mail)

Xiddigaha Tottenham ayaa taageeri doona Harry Kane xataa haddii uu sii wado doonistiisa uu kooxda kaga baxayo. (Mirror)

Liverpool kabtankeeda Jordan Henderson ayaa kooxda la gaadhay heshiis mudo dheer ah oo uu qalinka ugu duugi doono. (The Athletic – subscription required)

Barcelona madaxweynaheeda Joan Laporta ayaa sheegay in raggii shaqada uga horreeyay ay ku fashilmeen inay si fiican u kharash gareeyaan lacagtii 200 Milyan ee pound ahayd ee ay iibka Neymar oo PSG ku biiray ka heleen taasina ay sababtay xaalada xun ee kooxdu ku jirto.(Times)

Manchester United ayaa lagu wargeliyay in Juventus iyo Cristiano Ronaldo labaduba ay ka shaqaynayaan inay kala tagaan.(La Repubblica – in Italian)

United tababaraheeda Solskjaer ayaa u sheegay kooxdiisa inay shan xiddig oo kooxda koowaad ah heshiisyo cusub ka saxeexdo waxaana kamid ah Bruno Fernandes iyo Paul Pogba. (Sun)

Real Madrid kubad sameeyaheeda Martin Odegaard ayaa ku dhaw inuu Arsenal dib ugu biiro kaddib markii ay wakiiladiisa oo u duulay London ka shaqaynayaan heshiis kale oo hal sano oo amaah ah. (Mirror)

Real Madrid ayaa rajaynaysa inay Kylian Mbappe kala soo saxeexan doonto PSG xagaagan. (Eurosport)

Leicester City ayaa heshiis cusub ka saxeexanaysa 23 sano jirkeeda khadka dhexe ee Barnes. (The Athletic, subscription required)

Barcelona ayaa xiisaynaysa weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang waxaana ay bedelkiisa u siinayaan Philippe Coutinho. (Sky Sports)

Arsenal ayaa iibin karta Pierre-Emerick Aubameyang walow uusan 31 sano jirkaasi wali si fool-ka-fool ah ula hadal tababare Mikel Arteta. (talkSPORT)

Arsenal khadkeeda dhexe ee Granit Xhaka oo ay AS Roma si weyn u doonaysay ayaa heshiis cusub u saxeexay xagaagan. (Guardian)

Manchester United da’yarkeeda Amad Diallo ayay heshiis amaah ah ku doonaysaa kooxda heerka labaad ee Sheffield United. (talkSPORT)

West Ham rajadeedii ahayd saxeexa Jesse Lingard ayaa kor u kacday kaddib markii ay Man United 20 Milyan oo pound ka dhigtay lacagta ay ku iibinayso. (Express)

Lautaro Martinez ayaa go’aamiyay inuu sii joogi doono kooxdiisa Inter Milan sida uu wakiilkiisu xaqiijiyay. (FCInterNews, via Mirror)

Manchester City ayaa kamida kooxaha doonaya saxeexa xiddiga ugu dheer kubadda cagta Britain ee ka tirsan kooxda Solihull Moors ee Kyle Hudlin oo ah weeraryahan 21 sano jir ah. (The Athletic, subscription required)

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Lyon oo ay ka iibinayso daafaca bidix ee ree Talyaani ee Emerson Palmieri. (Guardian)

Hector Bellerin ayay ka go’antahay inuu Arsenal iskaga tago xagaagan iyadoo Inter Milan ay isha ku hayso xaaladiisa. (The Athletic, subscription required)

Gunners ayaa isku dayi doona inay Barcelona siiyaan Hector Bellerin oo ay kasoo qaataan daafaca midig ee Emerson Royal. (Star)

Juventus ayaa ku dhaw inay Sassuolo kula heshiiso 35 Milyan oo euro iyaga oo ka helaya khadka dhexe ee Locatelli taas oo meesha ka saaraysa Arsenal oo doonaysa. (Fabrizio Romano)

Chelsea ayaa kor u qaadaysa dadaalada ay kooxda kaga dirayso Ross Barkley, Danny Drinkwater iyo Tiemoue Bakayoko kuwaas oo isku darkooda ay 90 Milyan oo pound kula soo wareegeen (The Athletic, subscription required)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More