Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Saxeexii La Sugayay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu shaacisay saxeexeeda cusub ee Sergino Dest oo ay kala soo wareegtay Ajax, kaas oo ay kaga soo adkaatay Bayern Munich oo kula tartamaysay.

- Advertisement 1 -

Sergino Dest oo u dhashay waddanka Maraykanka ayay Barcelona kusoo iibsatay 21 milyan oo Euro iyo 5 milyan oo Euro oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhan bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho, taas oo qiimihiisa gaadhsiin doonta illaa 26 milyan oo Euro.

Laacibkan ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa June 2025, kaas oo lagu daray qodob caddaynaya qiimaha lagu burburin karayo haddii ay timaaddo koox damacda inay ka afduubayo, waana 400 milyan oo Euro.

19 jirkan ayay Barcelona xilli dambe ka hawl-gashay sidii ay ula soo saxeexan lahayd, si uu ugu buuxiyo booskii uu banneeyey Nelson Semedo oo toddobaad ka hor u wareegay Wolves, waxayna si xun ugaga soo guuleysteen saxeexiisa Bayern Munich oo markii hore u muuqatay inay gacanta ku dhigayso laacibkan.

Munich ayaa ku calaacashay in la khiyaameeyey, isla markaana ay ciyaar uskagnimo ah la dheeleen Ajax iyo Barca, hase yeeshee ciyaartoyga ayaa la rumaysan yahay inuu isagu doortay Camp Nou.

Laba gool iyo lix caawimood oo uu sameeyey xili ciyaareedkii hore ayaa rikoodhka ugu jiray, waxaana hadda ay loollami doonaan Sergi Roberto oo ah laacibka haysto booska difaaca midig, hase yeeshee waxa uu Ronald Koeman u isticmaali karaa Roberto inuu geeyo khadka dhexe.

Faa’iidooyinka cajiibka ah ee uu leeyahay laacibkan ee Ronald Koeman uu ku doortay saxeexiisa ayaa ah inuu si fiican uga ciyaari karayo labada baalood ee difaaca ee bidixda iyo midigta.

Dest ayay iska dhaleen Aabe Maraykan ah iyo hooyo Dutch ah, waxaana uu u ciyaaraa xulka qaranka Maraykanka oo uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay sannadkii 2019kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More