Barcelona Oo Rajo Cusub Ka Leh Neymar, Man United Oo Laba Xiddig Bathroom

Paris St-Germain agaasimaheeda ciyaaraha ee Leonardo ayaan u muuqan mid aaminsan in Neymar Jr uu heshiis kordhin u samayn doono kooxdooda. (Marca)

Manchester United ayaa wadahadalada heshiis kordhinta la bilaabi doonta Paul Pogba iyaga oo uga bilaabamaya mushahar £400,000 ah toddobaadkii balse iska iibin doona xagaaga haddii uu diido heshiis kordhin. (Mirror)

Tababaraha West Ham United ee David Moyes ayaa sheegay inay kooxdiisu suuqa u geli doonto saxeexa weeraryahan cusub xagaaga balse ay ka bixi doonto tartanka Tammy Abraham haddii ay Chelsea 45 Milyan oo pound ku doonayso iibkiisa. (Soccer London)

Pep Guardiola ayaa sheegay in xiddiga kooxdiisa ee ka cawda in shaxda isbed-bedel lagu sameeyo xiddigahana kolba midi ciyaaro aysan kooxdu isaga ku haboonayn oo uu iska tagi karo. (Manchester Night Information)

Roy Keane ayaa u sheegay Man United inay la saxeexato Harry Kane oo Tottenham ka tirsan iyo kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish si ay xilli ciyaareedka dambe horyaalka ugula tartanto Manchester Metropolis. (Sky Sports activities)

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay in mustaqbalka fog ee khadka dhexe ee kooxdiisa ee Naby Keita uu yahay mid Anfield yaala. (Mail)

Goolhayihii hore ee Man United haatana madaxa fulinta u ah Ajax ee Edwin Van Der Saar ayaa sheegay inuu kooxdiisii hore uga shaqayn lahaa doorka uu banaynayo Ed Woodward balse aysan wali wax xidhiidh ah lasoo samayn. (ESPN)

Tottenham ayaa xiisaynaysa saxeexa 18 sano jirka ree Brazil ee Rodrigo Varanda, wadahadalada hordhaca ah ee saxeexa da’yarkaas ayay la yeelatay kooxdiisa Corinthians. (Solar)

Daafaca ree Austria ee David Alaba ayaa qaadan doona 12 Milyan oo euro sanadkii marka uu Actual Madrid ku biiro xagaaga waana mushahar lamid ah midka kabtaka kooxdaas ee Sergio Ramos. (Fabrizio Romano, by way of AS)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More