Barcelona Oo Qoomamo Ka Qabta Inay Lionel Messi Kahor

Sida uu sheegayo Xavier Sala-I-Martin oo ahaa shaqsi hore arrimaha dhaqaalaha ugu qaabilsan kooxda Barcelona, Barca ayaa dhibaato ku mudanaysa inay suuqii xagaagan joojiyeen kabtankooda Lionel Messi oo bixitaan doonayay.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Argentina ayaa doonayay inuu iskaga tago Camp Nou isaga oo aad uga cadhaysnaa qaabka kooxda loo maamulo walow uu ugu dambayn ku negaaday.

Messi ayaa si lama filaan ah madaxda sarre ee Barcelona uga codsaday inay iska fasaxaan wax yar kaddib markii ay natiijada 8-2 ah ee fadeexada ah gacmaha Bayern Munich ugaga hadheen Champions League.

33 sano jirkaas ayaa doonayay inuu ku biiro Manchester City walow ay sidoo kale xiiso u muujiyeen kooxaha kala ah Man United, Paris Saint-Germain iyo Juventus.

Messi ayaa aaminsanaa inay Barcelona ku qaldanays inay Ernesto Valverde caydhiso kaddibna ay ku bedesho Quique Setien kaas oo wakhtigiisii koobnaa ee kooxdu musiibo ahaa.

Haddaba, haatan ayuu Xavier Sala-I-Martin oo Barcelona kasoo shaqeeyay wakhtigii Joan Laporta sheegay inay kooxdu dhibta joojintii Messi marayso sababtoo ah inay dhaqaale ahaan xumaatay maadaama oo haddii ay fasaxdo ay dhaqaale ka heli lahayd.

Xavier Sala-I-Martin ayaa yidhi “Messi waxa uu doonayay inuu tago, inuu Bartomeu ku qasbay inuu joogo waxa ay sii xumaysay dhaqaalihii kooxda”

“Isagu waxa uu muhiimada koowaad siiyay kubadda cagta, ma uusan siin dhaqaalaha, Bartomeu-ga danaystaha ahi waxay ahayd inuu Messi u ogolaado bixitaan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More