Barcelona oo ku jirta kaalinta shanaad

Goolkii Frenkie de Jong ayaa ka caawiyay kooxda Barcelona in ay guul dirqi ah ka gaadho kooxda Huesca kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonkooda.

Guusha Blaugrana ayaa la macno ah in kooxda Ronald Koeman ay ku jirto kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Spain.

Tababare Koeman ayaa ku soo laabtay afarta daafac madaama uu isticmaalay seddex daafac labadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka halka Sergio Busquets uu ku soo laabtay safka hore iyadoo Antoine Griezmann uu beeniyay markale.

Barcelona ayaa ku bilaabatay si fiican waxayna hogaanka qabatay daqiiqadii 27aad markii De Jong uu si macaan u helay shabaqa Lionel Messi kaasoo dhaafay goolhayaha Huesca Alvaro Fernandez.

Ousmane Dembele ayaa helay fursado badan oo uu ciyaarta ku dili karay laakiin Fernandez ayaa ka beeniyay hal jeer wax ka badan.

Kooxda martida loo ahaa ee Heusca ayaa u dagaallantay sidii ay kubbada u ilaashan lahayd.

Natiijada ayaa la micno ah in Barcelona ay ku soo laabatay wadada guusha ka dib barbaro niyad jab leh oo ay garoonkooda kula galeen Eibar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More