Barcelona oo ku dhawaaqday saxiixa Raphinha – FM

(Barcelona) 13 Luulyo 2022. Barcelona ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis la gaartay Leeds United, kaas oo ku saabsan ka mid noqoshada xiddiga reer Brazil ee Raphinha.

Barcelona ayaa soo saartay warbixin kooban oo ay ku soo qortay website-keeda rasmiga ah, xilli ay shaaca ka qaaday inay kala heshiisay Leeds saxiixa Raphinha, waxaana la sugayaa inuu maro ciyaaryahanka tijaabada caafimaadka, galinka dambe ee maanta.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Barcelona ay bixin doonto qiimo dhan 58 million euro, marka lagu daro 10 million euro oo ah gunnooyinka.

Suxufiga arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoda sida aadka ah wax uga qora ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Rafinha uu isku diyaarinayo in uu u safro Spain si uu tijaabada caafimaadka u maro, kaddibna uu u saxiixo heshiis gaaraya illaa 2027.

“Rafinha wuxuu sameeyay wax walba si uu ugu biiro Barcelona, ​​taasoo ah riyadiisa ugu weyn.” ayuu yiri Fabrizio Romano.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More