Barcelona Oo Heshiis Ka Gaartay Saxiixa Weeraryahan Weyn Oo

Barcelona ayaa ku guuldareysatay xagaagan inay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Lyon Memphis Depay madaama ay awoodi waayeen mushaharkiisa sababo la xiriira dhaqaale xumada ay kooxda ku jirto.

Laakiin waxay heshiis kula gaareen kooxda Lyon inay ciyaaryahanka la wareegayaan bisha Janaayo markaasoo qandaraaskiisa kooxda Faransiiska ay uga harsanaan doonto kaliya lix bilood.

Sababta ay Barcelona u dooratay inay Memphis Depay u la soo wareegto bisha Janaayo ayaa ah in waqtigaas uu Koeman iibin karo mid ka mid ah xiddigaha uu u arko inuusan muhiim u aheyn kooxda taasoo gacan ka geysan doonta mushaharka xiddiga reer Netherlands.

Barcelona ma soo iibsan karto ciyaaryahan mana bixin karto mushaharkiisa ilaa iyo inuu mid kale ka tago Camp Nou mooyee.

Barcelona ayaa si weyn u dooneysay xagaagii weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez laakiin waa ay awoodi waayeen qiimihiisa taasoo keentay inay u jaleecaan dhanka Memphis Depay.

Depay waa xiddig ka soo hoos shaqeeyay Ronald Koeman markii uu ahaa macalinka xulka Netherlands, waana xiddig ka qiimo jaban Lautaro Martinez.

Kooxda ayaa xagaagii iska dirty xiddigo mushahar qaali ah ka qaadanayay si ay booska ugu baneeyaan saxiixyada cusub, waxay sidoo kale iibiyeen Samedo.

Laakiin waxay taasi u ogolaatay inay soo iibsadaan kaliya Sergino Dest, waana ay awoodi waayeen inay dhameystiraan saxiixyada daafaca Man City Eric Garcia iyo xiddiga Lyon Memphis Depay.

Labada ciyaaryahan ayaa ku jira sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskooda.