Barcelona Oo Guul-darradii Ugu Horreysay Xili Ciyaareedka

Barcelona ayaa guul-darro xanuun badan kasoo gaadhay kulan ay marti ugu ahayd Getate, waxaana lagu soo garaacay 1-0.

Gool rikoodhe ahaa oo qaybtii labaad uu Getafe u dhaliyey laacibkooda Jaime Mata ayaa natiijada ciyaarta go’aamiyey.

Ronald Koeman oo kooxdiisa isbeddel badan ku sameeyey, isla markaana kaydka dhigay Coutinho iyo Ansu Fati ayaa ka shalleeyey isbeddelkaas, waxaana uu la kulmay guul-darradii ugu horreysay xili ciyaareedka.

Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay ugu dhowaan lahayd Real Madrid oo fiidkii hore guul-darro 1-0 ah kala kulantay Cadiz, waxaana hadda ay labada kooxood ee ugu waaweyn Spain ay hal habeen wadaageen guul-darro isku mid ah.

Barca iyo Real Madrid oo laga soo badiyey kulamadan ayaa Sabtida dambe ku kulmi doona garoonka Camp Nou, halkaas oo indhaha lagu hayn doono bandhigooda iyo natiijada ay ku dhamaysan doonaan.

Shaxdii labada kooxood

BARCELONA STARTING XI (4-3-3): Neto; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Sergino Dest; Pedri, Sergio Busquets, Frenkie de Jong; Lionel Messi, Antoine Griezmann, Ousmane Dembele.

Kaydka: Carles Alena, Ronald Araujo, Philippe Coutinho, Inaki Pena, Arnau Tenas, Oscar Mingueza, Riqui Puig, Junior Firpo, Ansu Fati, Martin Braithwaite, Trincao, Miralem Pjanic.

GETAFE STARTING XI (4-4-2): David Soria; Damien Suarez, Djene Dakonam, Erick Cabaco, Mathias Olivera; Allan-Romeo Nyom, Nemanja Maksimovic, Mauro Arambarri, Marc Cucurella; Jaime Mata, Juan Hernandez.

Kaydka: David Timor, Enes Unal, Ante Palaversa, Francisco Portillo, Victor Mollejo, Chema Rodriguez, Angel Rodriguez, Ruben Yanez, Xabier Etxeita.

Ronald Koeman ayaa ciyaarta kusoo bilaabay saddexda ciyaartoy ee Pedi, Dembele iyo Dest isaga oo kasii fikiraya kulamada adag ee kusoo waajahan ee Champions League iyo El Clasico, waxaanu kaydka dhigay Araujo, Fati iyo Coutinho, halka Lenglet oo kasoo laabtay ganaax uu isaguna kusoo bilowday ciyaarta.

Barcelona ayaa loo ogolaaday inay ciyaarta siday doonto u daadihiso oo ay kubadda hayso, waxaanay Getafe la timid falsafad ciyaareed oo kale oo ahayd inay is difaacdo, isla markaana ay weerarro rogaal-celis degdeg ah samayso.

Fursaddii ugu wanaagsanayd ee ciyaarta ayaa labada kooxoodba soo maray daqiiqadihii 18aad iyo 19aad, waxaana ku horreysay Getafe oo weerar rogaal celis ah oo ay qaadeen Arambarri iyo Maksimovic kubadda geliyey xerada ganaaxa, laakiin goolhaye Neto ayaa halkaas joogay. Barcelona ayaa iyaduna kaga jawaabtay weerar rogaal celis ah, waxaana kubbad ay ka wada shaqeeyeen Pedri iyo Messi ay dul martay birta.

FURSAD WEYN! De Jong ayaa kubbad u tuuray Griezmann oo baal ordayay, difaacana ka dambeeyey, waxaanay si toos ah iskugu soo baxeen goolhaye David Soria, waxaanu go’aansaday inuu laag awood badan ku dhaafiyo kubadda balse way ka dallacantay.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu Ronald Koeman kusii adkaystay shaxdiisii caadiga ahaa oo aanu waxba ka beddelin, halka Getafe ay weerarrardii rogaal celiska ahaa miciinsanaysay.

RIKOODHEEEEEE!!!  De Jong ayaa xerada ganaaxa ku dhex qabsaday Dakonam, waxaana uu garsooruhu markiiba tilmaamay rikoodhe aanu muran ku jirin.

GOOOAAALLLL!!! Getafe 1-0 Barcelona!! aime Mata ayaa daqiiqaddii 56aad gool u sarrifay rikoodhaha kooxdiisa loo dhigay, waxaana naadiga garoonkiisa joogay uu halkaa ka bilaabay damaashaad.

Philippe Coutinho iyo Ansu Fati ayuu si degdeg ah u keenay Ronald Koeman, waxaanu ku xigsiiyey Braithwaite iyo Trincao si ay isbeddel ugu keenaan safkiisa oo ay goolal u dhalin karaan.

Barcelona ayaa heshay dhawr fursadood oo qaali ahaa qaybtii dambe, waxaana u babbac-dhigay difaaca Getafe oo muujiyey in kaalintii ay xili ciyaareedkii hore ku dhamaysteen iyo toddobada dhibcood ee ay kulamadii hore ka heleen aan lagu siinin hadiyad ee ay shaqaysteen.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Getafe, iyadoo ay garoonkana ka baxday Barcelona oo guul-darro xanuun badan loo xambaariyey.