Barcelona waxay tartan kula jirtaa waqtiga, mana haysato fursado ay sii kala doorato, dhawr saacadood oo kaliya ayaa u hadhsan, haddii ay xal keeni weydana waxay ku dhawaaqi doontaa inay gebi ahaanba musalaftay.
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maalinta ugu dambaysa (Deadline day) ee mushahar dhimista ay ku samyanayso ciyaartoydeedu ay tahay November 5, iyadoo isla maalintan oo ku beegan berri laga doonayo inay shaaciso miisaaniyaddeeda sannadkan oo laga doonayo inay ka muuqato in kharash dhimis ballaadhan uu ka muuqdo.
Sida ay ku warrameen warbaahinta Mundo Deportivo iyo Deportes Cuatro, kooxdan weyn ayaa warbixinteeda miisaaniyadeed ay tahay inay bannaanka timaaddo Khamiista berri, taas oo ah waxa ay dawladda Spain iyo hay’adaha dhaqaaluhuba kula socon doonaan.
£171 milyan oo Gini ayaa laga doonayaa inay ka saarto kharashkeeda hadda ee ka dhex muuqda miisaaniyaddii ay horraantii sannadkan soo bandhigtay, waxaana laga doonayaa in lacagtan ay ka jarto mushaharka ciyaartoygeeda.
Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda, usbuuciina u xaadira lacag dhan £500,000 Gini oo sannadki noqonaysa £26 milyan oo Gini, halka Antoine Griezmann uu labaad fadhiyo oo uu £294,000 Gini toddobaadkii ka qaato.
Masuuliyiinta kooxda ayaa wada-xaajoodkii ugu dambeeyey kula jiray ciyaartoyda si ay ugu qanciyaan inay ogolaadaan inay mushahar dhimis aad u weyn iyo heshiis cusub oo ay gaadhaan.
Warku waxa uu intaa ku daray in haddii lagu guul-darraysto in ciyaartoydu mushahar dhimis boqolkiiba 30 ka badan ay sameeyaan, in kooxdu ay qalalaase geli doonto, isla markaana ay shaacin doonto inay gebi ahaanba kacday (musalaftay).
Madaxweynaha ku-meelgaadhka ah ee Barcelona oo lagu magacaabo Carles Tusquets ayaa ka shaqaynaya arrintan, waxaana laga sugayaa in maalinta berri ah uu warbixinta ugu dambaysa shaaciyo.
Dakhliga Barcelona ee sannadkan la ansixiyey ka hor intii aanu Korona Fayrasku imanin ayaa ahaa £940 milyan oo Gini oo 80% ay yihiin mushaharka iyo gunnooyinka ciyaartoyda iyo shaqaalaha oo marka la isku geeyo noqonaya £746 milyan oo Gini.
Lixda Ciyaartoy ee ugu mushaharka badan:
Lionel Messi – £500,000 Toddobaadkii
Antoine Griezmann – £294,000 Toddobaadkii
Gerard Pique – £220,000 Toddobaadkii
Philippe Coutinho – £180,000 Toddobaadkii
Jordi Alba – £170,000 Toddobaadkii
Sergio Busquets- £170,000 Toddobaadkii