Azpilicueta wuxuu magacaabayaa ciyaaryahanka aadka looga baqo

Kabtanka Chelsea Cesar Azpilicueta ayaa magacaabay ciyaaryahanka aadka looga baqo ee kooxda si uu u ilaaliyo una dhaliyo goolal badan.

- Advertisement 1 -

Cesar Azpilicueta Chelsea dhowr bilood ka dib markii uu ku guuleystay Champions League 2012 ee Bayern Munich ayaa garaacday rikoodheyaasha iyo sagaal sano oo uu joogay Stamford Bridge wuxuu kula guuleystay labo Premier League, FA up, League Cup iyo labo jeer Europa League.

31 jirkaan reer Spain ayaa haatan ku riyoonaya inuu noqdo hogaamiyaha gooldhalinta kooxda xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu ogyahay inay tahay inay Atletico Madrid marka hore la tacaasho.

Labada koox ayaa ku kulmaya wareegga 16-ka waxaana marxaladda koowaad lagu ciyaarayaa habeenka Talaadada magaalada Bucharest.

Cesar Azpilicueta ayaa yiri: “Markii aan ku biiray Chelsea 2012, waxay aheyd kadib guushii Champions League dabcan ujeedkeygu waa inaan ku celiyo, waa tartanka ugu weyn Yurub, waan ognahay inay aad u adagtahay laakiin waxaan diyaar u nahay inaan tartano.

Shakhsiyan, waxaan rajaynayaa in aan bilaabi karno berri (caawa), ciyaar fiican, helno natiijo fiican oo aan aragno sida aan u socon karno. “

“Sida ugu fiican ee aad isku difaaci karto waa inaad ka ilaalisaa yoolkaaga” ayuu yiri Luis Suarez. Waa shaqo wadajir ah, waana ku ognahay difaac ahaan.

Kahor intaanan aadin Liverpool iyo Barcelona Champions League waanan la kulanay, waa weeraryahan wanaagsan, waan ognahay nambarkiisa iyo in markuu ciyaarayo uu dhaliyo goolal badan

“Waxaan isku dayi doonaa inaan difaacno isaga, inaan ciyaarta sii wadno oo aan ka ilaalino weeraryahanadooda meel fog ka fog ujeedkeena sida ugu macquulsan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More