Arsene Wenger Oo Tababare Ka Noqonaya Xul Qaran Oo Yurub Ka Dhisan

Arsene Wenger ayaa qarka u saaran inuu ku soo laabto shaqada tababare isagoo loo magacaabayo tababaraha xulka qaranka Switzerland.

Ninka reer France ayaa soo gabagabeeyay 22 sannadood uu tababare ka ahaa kooxda Arsenal sannadkii 2018.

Wenger oo 71 sanno jir ah ayaa tan iyo markaas la shaqeynayay FIFA isagoo ahaa madaxa horumarinta kubada cagta ee caalamka.

Switzerland ayaa haatan baadigoob ugu jirta tababare cusub ka dib markii uu ka tagay tababare Vladimir Petkovic kaasoo noqday tababaraha kooxda Faransiiska ee Bordeaux.

Wararka ka imaanaya magaalada Zurich ayaa sheegaya in macalinkii hore ee Gunners inuu ugu sareeyo liiska tababarayaasha ay dooonayaan xiriirka kubada cagta Switzerland.

Waxay doonayaan tababare durbaba ka caawiya u soo bixitaanka Koobka Adduunka ee Qatar lagu qabanayo sannadka danbe 2022.

Waxay isku dayeen inay shaqaaleysiiyaan Wenger sannadkii 1995 markaasoo uu tababare u ahaa kooxda Nagoya Grampus laakiin waxa uu diiday inuu burburiyo qandaraaskiisa kooxda reer Japan.

Wuxuu sannad ka dib tababare u noqday Arsenal isagoo ku hogaamiyay seddex Premier League iyo todoba FA Cup.

Wenger ayaa tababare u soo noqday kabtanka haatan ee Switzerland Granit Xhaka ka dib markii uu 35 milyan ginni uga soo iibsaday kooxda Borussia Monchengladbach sannadkii 2016.

Arsene Wenger wuxuu ku hadli karaa lix luqadood, taasoo ka dhigeysa ninka ku haboon shaqada xulka Switzerland oo ciyaartoydoodu ay ku hadlaan Jarmal, Faransiiska iyo Talyaani.

Warar kale oo ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in Wenger uu isna xiiseynayo shaqada xulka Switzerland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More