Arsenal oo xaqiijisay in Matteo Guendouzi uu si joogto ah ugu

(London) 01 Luulyo 2022. Bixitaanka Guendouzi ee Arsenal ayaa la xaqiijiyay iyadoo Marseille ay heshiiska ku-dhammaystirtay 10.5 milyan euro.

Kooxda Ligue 1 ka dhisan ayaa isticmaashay dookh ay ku iibsan karto xiddiga heerka caalami ee dalka France kaddib markii uu ku guuleystay amaah uu ku-joogay Stade Velodrome.

Da’ayarka khadka dhexe ee reer France ayaa ku biiray Gunners intii lagu jiray xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Unai Emery ee kooxda, Isbaanishka ayaa aaminay isaga oo siiyay waqti badan si uu ula qabsado horyaalka Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib bixitaankii Emery, Arteta ma uusan siin wax kalsooni ah, Sababo anshaxeed awgood, waxaa looga saaray kooxda, sidaa darteed, da’ayarka ayaa go’aansaday inuu amaah uga tago kooxda oo uu ku laabto dalkiisa hooyo.

Waxa uu si fiican uga soo muuqday Marseille, asigoo hadda mustaqbalkiisa ka sii wadan doona Marseille waxa uuna soo afjari doonaa safarkiisa Premier League-ga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More