Arsenal Oo Waqti Dambe Barbarro Ka Tuugtay Rangers Xilli Uu Saxeexii

0

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa waqti dambe barbarro ka tuugtay Rangers oo ay wada ciyaareen kulan saaxiibtinimo oo kusoo dhamaaday 2-2.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Ibrox Stadium ee kooxda tababare Steven Gerrard ee Rangers ayaa waxa bilowgiiba gool la  hormartay kooxda martida loo ahaa, waxaanay bilowgiiba ka  naxsadeen Arsenal, hase yeeshee Mikel Arteta ayaa qosolku u bilaabmay markii uu goolka barbarraha u dhaliyey saxeexdooda cusub ee Nuno Tavares.

Goolkan ayaa meesha ka saaray dabbaal-deggii Rangers ee daqiiqaddii 14aad ee bilowga ciyaarta markii uu goolka furitaanka ciyaarta u dhaliyey Leon Balogun.

Tababare Mikel Arteta ayaa qaybta hore kusoo bilaabay saf adag si uu meesha uga saaro guul-darradii ay kulankii hore ee saaxiibtinimo la kulmeen ee sababta u noqday in taageereyaashu dalbadaan in shaqada laga caydhiyo, waxaanu keenay Aubameyang, Pepe, Smith Rowe, Thomas Partey, Mohamed Elneny, Rob Holding, Tavarez, Pablo Mari iyo Cedric Soares.

Arsenal ayay ka muuqtay xammuun ay u qabeen guul ay dib ugu soo celiyaan niyadda taageereyaasha iyagoo waliba marti u ahaa kooxda haysata horyaalka Scotland ee Rangers oo ka mid ah kooxaha ugu xamaasadda badan.

Leon Balogun oo madax ugu dhaliyey Rangers goolka koowaad ayaa waxa ka daba yimid Nuno Tavares oo gool qurux badan dhaliyey, sidaas ayaanay labada kooxood qaybta hore ugu dhamaysteen barbarro min hal gool ah.

Qaybtii labaad ayay Rangers mar kale hoggaanka ciyaarta la wareegtay, waxaana u dhaliyey Cedric Itten, waxaanay ciyaarta hoggaaminayeen illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 83aad, markaas oo Arsenal uu goolka barbarraha u dhaliyey laacibka da’da yar ee Eddie Nketiah.

Dhamaadka ciyaarta ayay Arsenal dedaal badan samaysay si ay u hesho guul ay iskaga maydho guul-darradii kulankii saaxiibtinimo ee hore ee ay Hibernian 2-1 kaga badisay, laakiin waxay halis ku galeen dhamaadkii markaas oo uu John Lundstram oo beddelay Itten uu madax ku qabtay kubbad halis ahayd oo u dhowaatay inay shabaqa taabato, taas oo rajo la’aan ka dhigi lahayd Arsenal.

Hector Bellerin iyo Willian ayaa fursado helay xilli uu garsooruhu isku diyaarinayay inuu yeedhiyo siidhiga dhamaadka, balse nasiibkoodu ma shaqaynin, waxna kamay beddelin natiijada ciyaarta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More