Arsenal Oo Mucjisadeeda Goolasha Ee Joe Willock U Iibinaysa Sababta

Arsenal ayaa diyaar u ah inay lacagayso mishiinkeeda goolasha ee Joe Willock xagaagan, si ay heshiiska amaahda ah ee ay kula jiraan Martin Odegaard ay ugu beddelaan mid rasmi ah.

Willock oo qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay Newcastle United oo uu bishii January amaah ugu wareegay, ayaa waxa uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee taariikhda Premier League goolal ka dhaliya lix ciyaarood oo isku xiga, kaddib markii uu soo taabtay shabaqa Sheffield United.

21 jirkan ayaa 13 kulan oo uu u saftay Newcastle United waxa uu u dhaliyey toddoba gool, waxaanay taageereyaasha Arsenal ay rajaynayeen in uu dib ugu soo laabto xagaaga si uu uga caawiyo goolal yaraanta ku habsatay xilli ciyaareedkan oo uu goolkii dafiray Aubameyang, sidoo kalena Alexandre Lacazette oo aanay ciyaarihiisu joogto ahayn uu yahay kan ugu goolasha badan kooxda.

Si kastaba, wargeyska The Each day Telegraph ayaa shaaciyey in kooxda ka dhisan woqooyiga London ay diyaar u tahay in ay £20 milyan oo Gini ku iibiso Joe Willock, isla markaana aanu dib ugu soo laabanin Emirates Stadium.

Warka ayaa waxa uu intaa ku daray, in Arsenal ay ka fiirsanayso in ay sare u qaaddo lacagtaas maadaama da’yarkani uu muujiyey hibadiisa ciyaareed oo ay kooxo badan danaynayaan.

Tababare Mikel Arteta ayaa doonaya in lacagta ay kooxdiisu ka hesho Joe Willock ay qayb ka noqoto dalabka ay Actual Madrid u bandhigayaan, taas oo ay ka doonayaan in si rasmi ah ay ugala wareegaan Martin Odegaard oo haddaba amaah kula jooga Arsenal.

22 jirkan reer Norway ayaa hal gool oo kaliya u dhaliyey Arsenal, sidoo kalena hal caawin oo kaliya sameeyey tan iyo intii uu yimid Emirates Stadium, laakiin Mikel Arteta ayaa ku qancay bandhigga uu ka samaynayay garoonka dhexdiisa.

Odegaard ayaa la sheegay in mustaqbalkiisa Actual Madrid aanu fiicnaan doonin haddii uu Zinedine Zidane sii joogo Santiago Bernabeu, sababtoo ah, tababaraha reer France ayaan la dhacsanayn qaab ciyaareedka laacibkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More