Arsenal Oo Mid Kamida Xiddigaha Ugu Fiican La Liga Dalab Ka Gudbisay,

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ah mid u furan inuu isbedelo ku sameeyo sameeyo safka kooxdiisa inta uu socdo suuqa xagaagu, booska kubad sameeyaha weerarka ee No.10 ahaa ah mid kamida boosaska uu u doonayo xoojinta.

Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay dalab lasoo diiday ka gudbisay kubad sameeyaha kooxda Real Betis ee Nabil Fekir.

Arteta ayaa dhawaan sheegay inuu doonayo in isbedelo lagu sameeyo kooxda kahor bilawga xilli ciyaareedka dambe isaga oo uga digay maamulka kooxda inay haddii kale halis gelinayaan inay kooxdu hoos uga sii dhacdo halkii xilli ciyaareedkii dhawaa.

Mid kamida shaqooyinka Arteta iyo madaxa suuqa Arsenal ee Edu u yaala xagaagan ayaa ah inay kooxda keenaan khad dhexe oo weerar walow uu dhawaan si fiican usoo dhalaalay Emile Smith Rowe.

Intaas waxa dheer inay suuqii bishii January Real Madrid qaab amaah ah kaga soo qaateen Martin Odegaard kaas oo isku soo muujiyay kooxda waqooyiga London xilli uu Arteta doonayo inuu markale dib usoo ceshado.

Soo laabashada Odegaard ee Emirates Stadium ayaa ah mid uu shaki weyni ku jiro kaddib magacaabista Real Madrid ee Carlo Ancelotti taas oo Gunners ku qasbi karta inay ciyaaryahano kale raadsadaan.

Haatan wargeyska AS ee ree Spain ayaa sheegaya in kooxda tababare Manuel Pellegrini ee Real Betis ay dalab ka heshay Arsenal oo ka doonaysay Nabil Fekir balse ay kusoo gacan saydhay iyaga oo u arkayay dalab ka hooseeya midka ay rabaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More