Arsenal oo guul ay u qalantay ka gaartay Leicester City oo marti

(London) 13 Agoosto 2022. Arsenal ayaa guul gaartay kulankeeda labaad xiriir ah horyaalka Premier League kaddib markii ay kaga adkaatay Leicester City 4-2, kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka Emirates.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda reer London ee Arsenal.

Daqiiqadii 23-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahankooda cusub ee reer Brazil Gabriel Jesus.

32 daqiiqo marka ay mareysay dheesha Gabriel Jesus oo caawin ka helay Xhaka ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Arasenal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee al lavatory filan karay.

Daqiiqadii 53-aad daafaca kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa iska dhaliyay ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-1.

55 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Granit Xhaka oo caawin ka helay Gabriel Jesus ayaa wuxuu markale dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 74-aad kooxda Leicester City ayaa dhalisay , kaddib markii uu 3-2 ka dhigay ciyaarta xiddigooda khadka dhexe ee Maddison oo caawin ay kaga timid Iheanacho.

Laakiin Martinelli oo caawin ka helay saaxiibkiis Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 75-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Arsenal wuxuuna dheesha ka dhigay 4-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-2 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Leicester City oo ku soo booqatay garoonka Emirates, Gunners oo guul gaartay labadii kulan ay ka ciyaartay horyaalka Premier League waxay gacanta ku dhigtay 6 dhibcood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More