Arsenal Oo Bixisay Lambarkii Mesut Ozil Ee No10 Iyo Laacibka Nasiibka

Arsenal ayaa ugu dambayn bixisay lambarkii uu banneeyey xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil oo horraantii sannadkan u wareegay kooxda reer Turkey ee Fenerbahce.

Taageeretaasha Arsenal ayaa muddo sugayay inay arkaan ciyaartoyga dhaxli doona No10 oo tan iyo bishii January aanay garoonkooda Emirates Stadium ku arag ciyaartoy xidhan, laakiin ciyaaryahannadii ay u saadaalinayeen ay qaarkood ka tageen kooxda, kuwo kalena shaki la geliyey mustaqbalkooda.

Laacibka da’da yar ee Emile Smith Rowe oo ay taageereyaashu filayeen in la siin doono lambarkan ayaa si lama filaan ah loola xidhiidhiyey inuu ka tegayo kooxda, iyadoo dhawr dalab oo kala dambeeyey ay kasoo gudbisay Aston Villa, hase yeeshee ay Arsenal si diidday inay fasaxdo.

Tababare Mikel Arteta iyo kooxda ayaan wali si rasmi ah u shaacin magaca ciyaartoyga xidhanaya No10, laakiin waxa la helay qish ku saabsan ciyaartoyga iyadoo Salaasadii lagu dhex-arkay xiddigaha kooxdaas laacib si hoose u qarsanaya oo aan u badheedhin inuu soo bandhigo lambarkan oo laabtiisa ku xardhanaa.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay, in Emile Smith Rowe uu xidhan doono lambarkii Mesut Ozil oo uu booskiisa ka ciyaarayay tan iyo markii laacibkaas uu Mikel Arteta geliyey kaydka ka hor intii aanu si rasmi ah uga tegin Emirates Stadium.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More