Arsenal & Atletico Oo Heshiis Ka Gaaray Saxiixa Xiddig

Kooxaha Atletico Madrid iyo Arsenal ayaa heshiis ka gaaray saxiixa Lucas Torreira iyadoo xiddiga khadka dhexe uu u wareegayo kooxda ka dhisan caasimada Spain.

- Advertisement 1 -

Heshiiska uu Torreira ugu wareegayo Atletico waa mid amaah ah oo dhamaanaya bisha Juun 2021 iyadoo Atletico Madrid khiyaar loo siiyay inay si joogta ah u la wareegto xagaaga danbe.

Sida markii hore la filayay heshiiska waa laga bixiyay in Atletico ay qasab ku tahay inay iibsato xiddigaan xagaaga danbe, waxaana loo bedelay mid iyada khiyaar loo siinayo haddii ay wada iibsaneyso iyo haddii kale.

Torreira ayaa haatan isku diyaarinaya inuu tijaabada caafimaadka u maro Atletico Madrid isagoo goor sii horeysay heshiis shaqsi ah la gaaray.

Atletico Madrid ayaa dhameystiri doonta saxiixa Torriere marka ay iibiyaan midkood Herrera ama Thomas Lemar.

Arsenal ayaa si weyn u dooneysay xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Thomas Partey laakiin xiddigaan marnaba qeyb kama aheyn wadahadalka heshiiska Lucas Torreira.

Madaxda Arsenal iyo tababare Mikel Arteta ayaa si weyn u jeclaa ciyaaryahankaan laakiin Atletico Madrid ayaa diiday inay wax wadahadal ah ka gasho iibka Thomas Partey.

Kooxda reer Spain ayaa xujo ka dhigtay in la bixiyo lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddigaan oo 50 milyan euro ah, waxayna filayaan inuu baaqi ku sii ahaado kooxda xilli ciyaareedkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More