Ansu Fati oo balan qaad xiiso leh u sameysay taageerayaasha

(Barcelona) 26 luulyo 2022. Laacibka Barcelona ee Ansu Fati ayaa xaqiijiyay in kooxda ay ku sii xoogaysatay heshiisyada cusub, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay ka soo dhalaali doonaan xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Spain.

Taageerayaasha Barcelona ayaa rajaynaya in Xavi uu ku guulaysto in uu ka soo kabsado niyad-jabka xilli ciyaareedkii hore kaas oo ay kooxda ku dhammeysatay iyada oo aan wax koob ah ku guuleyan.

Wargeyska Sport ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysiga Ansu Fati, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Xaaladda jireed ee ugu fiican? Waxa aan ka shaqaynayaa in aan heerkan gaadho, shakina igagama jiro in aan hawshan ku gaadhi doono hawl iyo naf hurid.”

“Hadda 100% taam ma ahi, laakiin wax yar ayaan tabayaa.”

“Waa wax iska caadi ah marka aad ka soo laabato dhaawaca, waxaad u ciyaareysaa si taxadar leh, laakiin taasi waxay dhacdaa daqiiqadaha ugu horeeya ee kulanka ugu horeeya, laakiin waa wax la ilaawayo, hadda waxaan ciyaarayaa cabsi la’aan.”

“Weligay kuma fikirin inaan baxo, aad ayaan u yarahay, waxaana iga horreeya mustaqbalka oo dhan.”

“Waxaan samaynaynaa koox aad u fiican, aad u tartan badan, heshiisyada cusub waxa ay ina siin doonaan wax badan xilli ciyaareedka, waxa jira ciyaartoy waaweyn oo na caawin doona.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More